Sadexdan Garoon Ee Anfield, Goodison Park Iyo Etihad Stadium Midkee Kooxda Liverpool Ugu Dabaal Dagi Doontaa Horyaalka PL?

Sadexdan Garoon Ee Anfield, Goodison Park Iyo Etihad Stadium Midkee Kooxda Liverpool Ugu Dabaal Dagi Doontaa Horyaalka PL?
Sadexdan Garoon Ee Anfield, Goodison Park Iyo Etihad Stadium Midkee Kooxda Liverpool Ugu Dabaal Dagi Doontaa Horyaalka PL?

Ka dib bandhigyada waaweyn ee ay samaynayaan xilli ciyaareedkan iyo farqiga weyn ee ay hoggaanka horyaalka ku hayaan, Waxa haatanba lasii xisaabinayaa wakhtiga ay kooxda tababare Jurgen Klopp ku guuleysan karto horyaalkeedii ugu horreeyay ee Premier League ah.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in ay xisaabtan kasoo baxeen saddex garoon oo xiisahooda wataa, Garoonka koowaad ayaa caadiyan ah midka Reds ee Anfield, Midka labaad ayaa ah Etihad Stadium oo ay ku ciyaarto Man City oo ay gaar isku hayaan halka midka saddexaad uu yahay Goodison Park oo ay leedahay Everton oo ay xifaaltamaan.

Liverpool ayaa haatan leh 67 dhibcood kaddib 23 kulan oo ay kasoo ciyaartay Premier League halka kooxda booska labaad ee Man City ay leedahay 51 dhibcood kaddib 24 kulan iyadoo Leicester City oo saddexaad ahi ay leedahay 48 dhibcood kaddib 24 kulan.

Kulanka sagaalaad ee Liverpool laga bilaabo kulankooda ugu soo horreeya ayaa noqon doona midka ay Manchester City booqdaan.

Haddiiba ay Liverpool dhammaan guuleysato kulamada u hadhay kahor kulankaas sidoo kalena ay Man City guuleysato dhammaan kulamada u hadhay ayay Reds horyaalka ku qaadi doonaan gegida Manchester City ee Etihad.

Mida kasii xiisaha iyo yaabka badan ayaa ah haddii ay City saddex dhibcood lumiso kahor wakhtigaas waxa ay Liverpool horyaalka ku qaadi doontaa Anfield kulanka Crystal Palace iyagoo saf iyo sacab sharafeed kulanka xiga ka heli doona ciyaartoyda Man City waana sida ay taageerayaasha Liverpool inta ugu badani dalbanayaan.

Qaabka saddexaad ayaa ah in Man City ay lix dhibcood lumiso kahor kulankaas waxaaan ay Liverpool horyaalka ku qaadi doontaa gegida Goodison Park ee Everton iyadoo haddii ay sidaasi dhacdo ay noqon doonto wakhtigii ugu dhakhsaha badnaa ee Premier League ay kooxi ku qaado.

Midkee Sadexdan Garoon Ee Anfield, Goodison Park Iyo Etihad Stadium Midkee Kooxda Liverpool Ugu Dabaal Dagi Doontaa Horyaalka PL?