Home Premier League

Saameyn Intee Leeg Ayuu Horyaalka Premier League Ku Sii Yeelan Karaa Mar Hadii Aqalkii Ugu Sareeyey UK Laga Helay Xanuunka Coronavirus.

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Horyaalka Premier League Ka Soo Kordhay Dhanka Mushahar Dhimista Ciyaartoyda Xiligan Adag Ee Ciyaaruhu Taagan Yihiin?
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Horyaalka Premier League Ka Soo Kordhay Dhanka Mushahar Dhimista Ciyaartoyda Xiligan Adag Ee Ciyaaruhu Taagan Yihiin?

Iyadoo Ra’iisal wasaaraha UK ee Boris Johnson uu noqday shaqsigii ugu dambeeyay ee magac weyn leh lagana helay caabuqa dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus (COVID-19) iyadoo qayb ka ah dhibaatada weyn ee uu Yurub u geysanayay dhawaanahan.

Warkan ayaa ah mid naxdin weyn ku ah guud ahaan dunida si gaar ahaaneedna UK maadaama oo uu muujinayo heerka uu dalkaas ka gaadhsiisan yahay caabuqani.

Ra’iisal wasaare Boris Johnson oo bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in laga helay caabuqan ayaa sheegay inuu haatan naftiisa karantiilayo balse uu sii wadi doono hoggaaminta dawlada uu madaxa u yahay ee la dagaalanka caabuqan.

“24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaan yeeshay calaamado khafiif ah waxaana layga helay Coronavirus” Ayuu ugu horreynba yidhi Mr Johnson.

“Haatan waan is karantiilayaa, Laakiin waxaan sii wadi doonaa inaan hoggaamiyo jawaabta dawlada anigoo shir-muuqaaleed isticmaalaya maadaama oo aynu la dagaalamayno Virus-ka, Wadajir waynu kaga adkaan doonaa midkan”.

Dhinaca kale Kooxaha Premier League iyo kuwo heerarka kale ee dalkaasi ayaa sidoo kale ah kuwo uu saamayn ku yeelan karo marba haddii uu gaadhay aqalkii ugu sarreeyay ee looga talinayay dalkaas.

Iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyayba aragtiyo kala duwan laga dhiibanayay waxa laga yeelayo horyaalka Premier League ayay shaqsiyaad badani qabaan in horyaalka la dhammaystiro xilli ay noqotaba halka kuwo kale ay qabaan in gabi ahaanba la kansalo.