Home Premier League

Saadaasha Ay Dhiibteen Mark Lawrenson Iyo Charlie Nicholas Ee Kulamada 29.aad Horyaalka Premier League?

Saadaasha Ay Dhiibteen Mark Lawrenson Iyo Charlie Nicholas Ee Kulamada 29.aad Horyaalka Premier League?
Saadaasha Ay Dhiibteen Mark Lawrenson Iyo Charlie Nicholas Ee Kulamada 29.aad Horyaalka Premier League?

Khabiirka kubadda cagta England gaar ahaan kanaalka Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa dhiibtay saadaashiisa kulamada horyaalka Premier League iyadoo uu toddobaadkani yahay midkii 29-aad xiiso kale oo weyna leeyahay.

Kulamada toddobaadkan ayay ugu cad cad yihiin midka Manchester Derby ee Man United iyo Man City u dhaxayn doona iyo kulanka uu Carlo Ancelotti kooxdiisii Chelsea ku booqanayo Stamford Bridge isagoo hoggaaminaya Everton.

Image result for Mark Lawrenson and Charlie Nicholas

Saadaasha Charlie Nicholas Ee Toddobaadka 29-aad Ee PL Oo Dhammaystiran

Burnley 2-1 Tottenham

Chelsea 1-1 Everton

Man United 1-3 Man City

Leicester City 2-1 Aston Villa

Liverpool 3-0 Bournemouth

Arsenal 3-1 West Ham United

Crystal Palace 1-2 Watford

Sheffield United 2-1 Norwich City

Wolves 2-0 Brighton

Southampton 1-1 Newcastle United

Image result for Mark Lawrenson and Charlie Nicholas

Dhinaca Kale Kulamada horyaalka Premier League ee usbuucan, waxa sidii aynu uga baranay saadaaliyey khabiirka BBC Sports ee Mark Lawrenson, waxaanu si gaar ah u dul-istaagay kulanka Manchester derby oo labada kooxoodba uu guul u diiday.

Khabiirku waxa uu sheegay in saadaashu u badan tahay inay barbarro kusoo dhamaato ciyaartaasi, laakiin Chelsea ayuu farxaddii ugu weynayd ugu sii bushaareeyey, waxaanu u sheegay inay guul weyn oo 2-0 ah heli doonto, isla markaana kasii fogaan doonto Manchester United marka ay doorkanna barbarraha gasho.

Tottenham ayuu Mark Lawrenson u saadaaliyey guul-darro sabab u noqota in xaaladdu kusii xumaato Jose Mourinho, laakiin Mikel Arteta iyo naadigiisa ayuu uga dhaartay guul marka ay garoonkooda Emirates kusoo dhoweeyaan West Ham United.

Saadaasha Khabiirka BBC Sports Mark Lawrenson  oo dhamaystiran.

Kulamada Beri Oo Sabti ah?

Liverpool 3-0 Bournemouth

Arsenal 1-1 West Ham

Crystal Palace 1-0 Watford

Sheffield United 2-0 Norwich

Southampton 0-1 Newcastle

Wolves 2-0 Brighton

Burnley 2-0 Tottenham

Kulamada Axadda?

Chelsea 2-0 Everton

Manchester United 1-1 Manchester City

Kulanka Isniinta?

Leicester City 2-0 Aston Villa