Ronald Koeman Ayaa Sheegay Inuu Dib u Dhacay Qandaraaskii Kooxda Barcelona Ilaa Sanadkee?

Ronald Koeman Ayaa Sheegay Inuu Dib u Dhacay Qandaraaskii Kooxda Barcelona Ilaa Sanadkee?
Ronald Koeman Ayaa Sheegay Inuu Dib u Dhacay Qandaraaskii Kooxda Barcelona Ilaa Sanadkee?

Tababaraha Netherlands Ronald Koeman ayaa sheegay in qandaraaskiisa Barcelona uu dib u dhacay ilaa 2021 ka dib markii European Championship dib loo dhigay sannad sababtoo ah cudurka faafa ee coronavirus.

Daafacii hore ee kooxda Barcelona Koeman ayaa safka u galay inuu shaqada kala wareego Ernesto Valverde kaasi oo shaqada laga eryey laguna bedelay Quique Setien bishii Jan.

Koeman ayaa hore shaaca ka qaaday in qandaraaskiisa Netherlands uu ku jiro shardi u saamaxaya inuu u dhaqaaqo Camp Nou ka dib Euro 2020.

Iyadoo Euros gadaal loo riixay 12 bilood markii uu ka dillaacay COVID-19, Dutchman Koeman ayaa ka hadlay qandaraaskiisa.

”Qodobka ku jira qandaraaskeyga inaan ku aado Barcelona waa ka dib Koobka Qaramada Yurub” ayuu Koeman Sheegay Marca Waxaanu Sii Raaciyey “Laakiin kama fekerayo arintaan mar labaad”

Taariikh lama sheegin sidaa darteed hadda waa wixii ka dambeeyay tartankii Horyaalnimada Yurub ee 2021-kii.

UEFA ayaa xaqiijisay dib u dhigista Euro 2020 talaadada, iyadoo tartanku uu dhacayo bisha June iyo July ee 2021.

Dhamaan tartamada kale ee UEFA iyo kulamada kooxaha iyo kooxaha waa la hakiyay ilaa ogeysiis kale.

Xulka Netherlands ayaa waxaa ka maqnaan doona xiddig Memphis Depay sanadkaan dhaawac jilibka ah laakiin Koeman ayaa yidhi.

“Waa nasiib, laakiin waa wax laga xishoodo in Koobka Qaramada Yurub hadda aan la ciyaari doonin, Waxaan ku soo baxnay heer wanaagsan waxaan ku jirnay qaab wanaagsan waxaanan dooneynay inaan ku sii jirno wadadan”