Home Serie A

Romelu Lukaku Oo Sheegay In 23-Ciyaartoy Oo Kooxda Inter Milan ah Ay Qabeen Xanuunka Coronavirus?

Romelu Lukaku Oo Sheegay In 23-Ciyaartoy Oo Kooxda Inter Milan ah Ay Qabeen Xanuunka Coronavirus?
Romelu Lukaku Oo Sheegay In 23-Ciyaartoy Oo Kooxda Inter Milan ah Ay Qabeen Xanuunka Coronavirus?

Gool dhaliyaha kooxda Inter Milan iyo xulka qaranka Belgium ee Romelu Lukaku ayaa soo bandhigay war layaableh oo kubbada cagta Italy lama filaan ku noqday kadib markii uu xaqiijiyay in 23 ciyaartoy oo ka tirsan Inter Milan ay qabeen xanuunka Coronavirus bishii January ee la soo dhaafay.

Romelu Lukaku ayaa xog amakaag ku noqotay warbaahinta iyo dadka Talyaaniga waxa uu ku xaqiijiiyay in 23 ciyaartoy oo ka mid ah 25 ka xidig ee kooxda koowaad ee Inter Milan ay qabeen astaamaha cudurka coronavirus iyada oo ciyaartoy waqtigaasi xanuunsaday aan xataa loo ogayn in xanuunkoodu ahaa Covid-19.

Badhtamihii bishii February ayay ahayd markii kiiskii ugu horeeyay ee coronavirus laga helay dalka Talyaaniga laakiin Romelu Lukaku ayaa soo bandhigay in tirada ugu badan ee ciyaartoyda Inter Milan ay astaamaha covid-19 qabeen isla markaana ay qaarkood xanuunsanayeen.

Romelu Lukaku oo arintan lama filaanka ah ka waramaya ayaa yidhi: “Todobaad fasax ah ayaanu qaadanay December, waxaanu ku soo laabanay shaqada waxaanan ku dhaaranayaa in 23 ka mid ah 25ka ciyaartoy ay xanuunsanayeen. Anigu idinma carruuraynayo”.

Coronavirus: 'I miss the regular life' – Lukaku struggling with ...

Lukaku oo war aan la ogayn soo bandhigaya ayaa yidhi: ” Waxaanu la ciyaarnay kooxda Radja Nainggolan ee Cagliari kadib 25 daqiiqo markii ay socotay, mid ka mid ah difaacyadada waxaa qasab ku noqotay in uu garoonka ka baxo, muu awoodi karin in uu sii wato wuxuuna ku dhawaaday in uu suuxo”.

Difaaca uu Lukaku sheegay in uu garoonka ku dhex suuxi gaadhay waxa uu ahaa Milan Skriniar kaas oo January 26 la sheegay in uu qabay hargab ama duri xun laakiin waxa uu Lukaku xaqiijiyay in uu lahaa astaamaha hadda lagu bartay coronavirus.

Milan Skriniar ayaa cisbitaal loola carraray waxaana la xaqiijiyay in uu suuxdin ku dhawaaday isla markaana waxa uu cisbitaalka ku qaatay waqti laakiin markaas muujirin baadhitaano coronavirus oo dalka Italy ka socday balse waxay u muuqataa in caabuqani uu si qarsoodi ah ugu fidayay xili aan war loo hayn.

Sheekada uu Lukaku banaanka keenay waxay dadka soo xusuusay dhacdadii xidiga kooxda Fiorentina ee Gaetano Castrovilli kaas oo garoonka ku dhex dhacay January 25 oo ah hal maalin ka hor waqtiga uu Lukaku cadeeyay in Milan Skriniar uu xanuun ugu dhex suuxi gaadhay garoonka.

Kadib kooxda Fiorentina waxaa la xaqiijiyay in saddex xidig oo kooxdeeda ka tirsani ay coronavirus qaadeen waxayna kala ahaayeen Patrick Cutrone, Dusan Vlahovic iyo German Pezzella balse waxa uu baadhitaankoodu ahaa bishii March iyada oo ciyaartoydii hore ee xanuunsaday ayna waqtigoodii baadhitaano helin.

Hadda waxaa la qorsheeyay in marka lagu soo laabanayo tababarka kubbada cagta Talyaaniga in dhamaan ciyaartoyda kooxaha laga baadhi doono coronavirus iyada oo unugyada difaaca cad cad ee jidhka laga garan doono haddii ay ka soo kabsadeen Covid-19 ama ayna qabin caabuqan.

Laakiin sida uu Lukaku soo bandhigay isla markaana uu xaqiijiyay 23 ka mid ah 25ka ciyaartoy ee kooxdiisa ayaa qabay dhamaan astaamaha hadda lagu bartay coronavirus xili ay sii wateen in ay kulamada ciyaaraan ilaa ay garoomada ku dhex suuxi gaadheen.