Robert Lewandowski Iyo Luis Suarez Midkee Wanaagsan Waxaa Kala Saaray Taageerayaasha Kubada Cagta Aduunka?

Robert Lewandowski Iyo Luis Suarez Midkee Wanaagsan Waxaa Kala Saaray Taageerayaasha Kubada Cagta Aduunka?

Taageereyaasha kubadda cagta Adduunka ayaa kala doortay midka wanaagsan labada weeraryahan ee Robert Lewandowski oo u ciyaara Bayern Munich iyo xulka qaranka Poland iyo Luis Suarez oo ah dhaliyaha Barcelona iyo xulka Urugay.

Lewandowski ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah weeraryahannada ugu wanaagsan ee xirfadda gudaha ciyaarta iyo dhamaystirkaba ku fiican, waxaanu si qurux badan kubadda ugu dhamaystiri karaa madax iyo lug nooca ay doontaba ah.

Sidaas oo kale, Suarez ayaa boos qaadasho iyo dhamaystir wanaagsan leh, waxaanay labadooduba hormood u yihiin kooxahooda Bayern Munich iyo Barce4lona.

Afti lagu qaaday barta Facebook oo ay ka qayb-galeen akhristeyaal tiro badan ayaa waxa natiijadeedu ay caddaysay in xiddiga reer Poland ee Lewandowski uu ka wanaagsan yahay dhiggiisa Suarez.

66% dadkii codkooda dhiibtay waxay doorteen in Lewandowski uu yahay weeraryahanka fiican, waxaana Suarez uu helay 34%.

Goolasha ay dhaliyeen iyo qaabka ay u sameeyeen fursadaha ay ugu dambaynta shabaqa taabsiiyeen ayay ku go’aan qaateen taageereyaashu, waana goobta ay ahayd in laga eego maadaama laga hadlayay weeraryahan oo shaqadoodu tahay inay shabaqa ku riixaan kubbadaha ay helaan.

Lewandowski oo xili ciyaareedkan saftay 33 oo dhamaan tartamada ah ayaa dhaliyey 39 gool, waana rikoodh cajiib ah oo muujinaya in goolashiisu ka badan yihiin ciyaaraha uu dheelay. Tartanka Champions League ayuu ku tartamayaa kabtiisa dahabka ah, isaga oo ka dhaliyey 11 gool.

Luis Suarez ayaa ay xili ciyaareedkan u ahayd mid aan fiicnayn, waxaana uu saftay 23 kulan ka hor intii aanu haleelin dhaawac culus oo bishii January qalliin looga sameeyey jilibka, waxaana uu kulamadaas ku dhaliyey 14 gool.

Celceliska goolasha uu Lewandowski u dhaliyey Munich tan iyo sannadkii 2014 oo ay kala soo wareegeen Borussia Dortmund ayaa ahaa mid cajiib ah, waxaana sidoo kale uu dalkiisa ka yahay halyeyga ugu goolasha badan isaga oo 100 ciyaarood oo uu u dheelay ugu dhaliyey 119 gool.