Rivaldo Oo Kooxdiisii Hore Barcelona Uga Digay Iibka Arthur Melo Oo Khadka Dhexe Uga Ciyaara Kooxda Barcelona?

Rivaldo Oo Kooxdiisii Hore Barcelona Uga Digay Iibka Arthur Melo Oo Khadka Dhexe Uga Ciyaara Kooxda Barcelona?
Rivaldo Oo Kooxdiisii Hore Barcelona Uga Digay Iibka Arthur Melo Oo Khadka Dhexe Uga Ciyaara Kooxda Barcelona?

Halyeeyga reer Brazil ee Rivaldo ayaa kooxdiisii hore uga digay iibka khadka dhexe ee kooxdeeda ee Arthur Melo isaga oo sii haynta ciyaartoygaas ku xidhay imaatinka Neymar JR oo Paris Saint-Germain ka tirsan balse xoog loola xidhiidhinayo Camp Nou.

Barcelona ayaa wax sir ah oo qarsoon ka dhigin inay jeclaan lahaayeen inay Neymar kusoo celiyaan kooxdooda walow uu qaab aan wacnayn uga tagay ku dhawaad saddex sano kahor.

Xiisaha ay Barcelona u muujinayso soo celinta xiddigan ay PSG 222 Milyan ee euro kaga iibsatay sanadkii 2017 ayaa la filayaa inuu heerkii ugu sarreeyay gaadho marka suuqa dib loo furo xagaaga.

Dabcan waxa shaki la’aan ah in soo celinya 28 sano jirka xulka qaranka Brazil ay u baahan doonto in lacago la helo si Paris loogula tago dalab wanaagsan waxaana ay qasbaysaa midaasi in ciyaartoy badan kooxda laga diro.

Philippe Coutinho ayaa ah shaqsiga koowaad ee la filayo inuu heshiis rasmi ah ugu biiri doono kooxa kale, sidoo kale waxa jirta suurogalnimada Arthur kooxda kaga tagayo iyadoo ay Juventus xiiso u muujinayso.

Haddaba, Rivaldo oo haatan waraysi siinayay Betfair ayaa sheegay in Arthur oo kooxda ka baxaa ay yarayn karto fursada uu kusoo laabanayo Neymar maadaama labada xiddig ee dal wadaaga ahi ay asxaab dhaw yihiin.

Rivaldo ayaa Betfair u sheegay “Isagu laba xilli ciyaareed oo dhammaystiran wali kumuu dhammaysan halkaas, waxa uu u yimid si uu u noqdo bedelka macquulka ah ee Xavi sababtoo ah qaab ciyaareedkiisa lamidka ah, sidaas darteed wax micno ah ma samaynayso in isaga la iibiyo marka uu kaliya 23 sano jir yahay ee waayihiisii ciyaareed ka horreeyo”

“Intaa waxa dheer Arthur xidhiidh wanaagsan ayuu la leeyahay Neymar in la iibiyo da’yarkanina waxa ay dhaawici kartaa fursada Barca ee soo celinta Neymar”