Home LA LIGA

Ricardo Kaka Oo u Badheedhay Inuu Kala Saaro Labada Laacib Ee Ugu Wanaagsan Aduunka Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi?

Ricardo Kaka Oo u Badheedhay Inuu Kala Saaro Labada Laacib Ee Ugu Wanaagsan Aduunka Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi?
Ricardo Kaka Oo u Badheedhay Inuu Kala Saaro Labada Laacib Ee Ugu Wanaagsan Aduunka Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi?

Halyeyga reer Brazil ee Ricardo Kaka ayaa ka badheedhay inuu kala saaro labada laacib ee Cristiano Ronaldo oo ay waqti kusoo wada qaateen Real Madrid iyo Lionel Messi oo ahaa khatar uu waajahayay sannadihiisii Santiago Bernabeu iyo waqiyadii AC Milan ba.

Ronaldo iyo Messi ayaa abaal-marinta xiddiga adduunka ku guuleystay isku-darkooda 11 jeer, laakiin xiddiga reer Argentine ayaa hal horreeya oo lix jeer haysta, balse taasi may joojinin doodda aan dhamaadka lahayn iyo is-barbar-dhigga labadan laacib.

Kaka oo sannadkii 2007 ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, ayaa waxa su’aalo si toos ah looga weydiinayey baraha bulshada waxa uu kaga jawaabay midka wanaagsan Cristiano Ronaldo oo dhawr sannadood ay Bernabeu ku wada qaateen iyo Lionel Messi, waxaana ka hor intii aanu si cad u xulanin midka fiican uu dib ugu noqday xusuusta sannadihii uu ciyaartoyga ahaa ee labadan laacib uu midna garabkiisa taagnaa midka ka hor tagayey.

“Cristiano waa mishiin, kaliya maaha inuu xoog badan yahay, awood badan yahay, u dheereeyo, balse maskax ahaan ayuu u xooggan yahay. Mar kasta wuxuu doonayaa inuu guuleysto oo ciyaaro, si uu u ahaado midka ugu wanaagsan. Aniga ahaan, taasi waa wixii iigu cajiibsanaa ee aan arko.” Ayuu yidhi Ricardo Kaka ka hor intii aanu xulashadiisa si dhab ah u samaynin.

“Taariikhda isbooriga, Messi iyo Cristiano, xaqiiqdii waxay kaga jiraan shanta kaalmood ee ugu sarreeya, nasiib badan ayaanaynu u yeelanay inaynu aragno iyaga oo ciyaaraya.” Ayuu raaciyey.

Intaas kaddib, Kaka waxa uu ka badheedhay inuu si khaas ah usoo xusho midka wanaagsan labadan ciyaartoy, waxaanu yidhi: “Waan lasoo ciyaaray Cristiano, runtiina wuu kaa yaabinayaa, laakiin anigu waxaan raacayaa Messi. Waa mid maskax badan oo hibadiisu caddahay, sida uu u ciyaaraana layaab tahay.”