RASMI: Wareega Shanaad Ee Tartanka FA Cupka Oo Lagu Dhawaaqay.

RASMI: Wareega Shanaad Ee Tartanka FA Cupka Oo Lagu Dhawaaqay.

Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay taariikhda iyo waqtiga la ciyaari doono kulamada wareega shanaad ee FA Cupka iyo waliba kulamada loo doortay in si toos ah looga baahin doono televionka.

Kulamada kooxaha waa wayn ee Premier League ayaa loo doortay in si toos ah looga baahan doono BT Sport ama BBC iyada oo ay jiraan dhawr kulan oo aan fursad u helin in baahinta tooska ah helaan.

Kulanka ay Arsenal booqanayso kooxda Portsmouth waxaa la ciyaari doonaa maalinta isniinta ee March 2,2020 waxaana kulankan si toos ah looga baahin doonaa BT Sport1 iyo BT Sport Ultimate.

Laakiin kulanka ugu xiisaha badan wareega shanaad ee FA Cupka ee Stamford Bridge ku dhex mari doona Chelsea iyo Liverpool waxaa baahinta tooska ah helay BBC One waxaana sidoo kale laga daawan karaa BBC IPlayer.

Kulanka Liverpool iyo Chelsea waxaa la ciyaari doonaa talaadada, March 3,2020 marka ay saacada geeska Afrika tahay 10:45 habeenimo.

Kulanka Manchester City ay booqan doonto kooxda Sheffield Wednesday waxaa baahinta tooska ah loogu doortay BBC One iyo BBC iPlayer waxaana la ciyaari doonaa Arbacada March,4,2020.

Kulanka uu Wayne Rooney dib ugu soo laabanayo Old Trafford ee Manchester United soo dhawayn doonto kooxda Derby County waxaa la ciyaari doonaa Khamiista, March 5,2020 iyada oo ciyaartu bilaami doonta 10:45 habeenimo ee saacada geeska Afrika.

Isniinta March 2:

Portsmouth vs Arsenal (7.45pm) – Baahinta Tooska Ah:  BT Sport 1 and BT Sport Ultimate

Salaasada, March 3:

Chelsea vs Liverpool (7.45pm) –  Baahinta Tooska Ah:  BBC One and BBC iPlayer

Arbacada, March 4:

Sheffield Wednesday vs Manchester City (7.45pm) –  Baahinta Tooska Ah:  BBC One and BBC iPlayer

Khamiista, March 5:

Derby County vs Manchester United (7.45pm) –  Baahinta Tooska Ah:  BT Sport 1 and BT Sport Ultimate

Kulamada FA Cupka Ee Aan Baahinta Tooska Ah Helin

Talaadada, March 3

Reading vs Sheffield United

West Brom vs Newcastle United

Arbacada, March 4

Leicester City vs Birmingham City