Rasmi:- Isku Beega Tartanka Xawaadle Cup Ee Kooxaha Heerka Koowaad.

Rasmi:- Isku Beega Tartanka Xawaadle Cup Ee Kooxaha Heerka Koowaad.
Isbadal Ku Yimid Koobkii Laga Bilaabi Lahaa Garoonka Xawaadle?

Waxaa Si Rasmi Ah Loogu Dhawaaqay Tartanka Xawaadle Cup Kooxaha Heerka Koowaad Waxaana Tartankani Noqon Doonaa Mid Mar Istaabasho ah Oo Kooxdii Laga Badiyo Way Iska Tagi Doontaa.

Tartankan Waxaa Ka Qayb Galaya 12-Kooxood Oo 10-Kooxood Ka Dhisan Yihiin Magaalada Hargeysa Halka Labada Kooxood Ee Kalena Ka Dhisan Yihiin Magaalooyinka Berbera Iyo Boorama.

Hadaba Kooxaha Ayaa Iskugu Dhacay Sidan Hoos Ku Xusan Loona Kala Ciyaari Doono Sida Loo Kala Horeeyo Iyadoo Maalinta Sabtida Uu Bilaaban Doono Koobkan Xawaadle Cup Ee Mar Istaabashada Ah Hadii Alle Idhaahdo.

1:- Kooxaha Horyaal Iyo Sacadadiin Maalinta Sabtida.

2:- Kooxaha Shube Iyo Shacabka Maalinta Axada.

3:- Kooxaha Rift Valley Iyo Baraka Chai Maalinta Isniinta.

4:- Kooxaha Aragsan Jet Iyo Ominco Maalinta Salaasa.

5:- Kooxaha Aadan 19 Iyo Dhaweeye Taxi Maalinta Arbacada.

6:- Kooxaha Ceelaabe Play Iyo Carwo Dhamays Maalinta Khamiista.