Rasmi:- Isku Aadka Sideed Dhamaadka FA Cup-ka?

Rasmi:- Isku Aadka Sideed Dhamaadka FA Cup-ka?
Rasmi:- Isku Aadka Sideed Dhamaadka FA Cup-ka?

Waxa si Rasmi ah loo soo saaray isku aadka Wareega 8 Dhamaadka FA Cup-ka kadib markii ay wada ciyaareen dhamaan kooxaha wareegan marka laga reebo Man United oo habeen dambe ciyaari doonta.

Kooxda Man United ayaa la ciyaari doonta kooxda Derby County kulan ka dhici doona 10:45 kana dhici doona garoonka Derby ee Pride Park.

Kulamada 8 dhamaadka tartanka FA Cup-ka ayaa kulamada hore la ciyaari doonaa 21 bishan haatan lagu jiro ee March halka kulamada kale la ciyaari doono 22 bisha oo ah maalinta ku xigta.

Maalmaha la ciyaari doono kulamada ayaa ku beegmi doona Sabti iyo Axada iyada oo kooxaha 8-da ah ee isku soo hadhay u tartami doonaan in ay iska xaadiriyaan Semi-finalka.

Isku aadka ayay ka soo bexeen kulamo xiiso leh oo la sugi doono ishana lagu hayn doono marka la ciyaari doono.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Isku Aadka Oo dhamaystiran:

Leicester City Vs Chelsea
Tottenham Ama Norwich Vs Derby Ama Man United
Newcastole Vs Man City
Sheffield United Vs Arsenal