Rasmi:- Garoonka Lagu Qaban Doono Koobka Copa del Rey, Wakhtiga La Qaban Doono Iyo Xog Ku Saabsan Garoonkan.

Rasmi:- Garoonka Lagu Qaban Doono Koobka Copa del Rey, Wakhtiga La Qaban Doono Iyo Xog Ku Saabsan Garoonkan.
Rasmi:- Garoonka Lagu Qaban Doono Koobka Copa del Rey, Wakhtiga La Qaban Doono Iyo Xog Ku Saabsan Garoonkan.

Waxaa Si Rasmi ah Loo Shaaciyey In Garoonka Lagu Qaban Doono Koobka Copa del Rey Uu Noqon Doono Mid Ka Qabsooma Magaalada Seville Ee Wadanka Spain Waxaana Shaacintan La Socotay Wakhtiga Rasmiga ah Ee La Qaban Doono Koobkan.


Garoonka Kubada Cagta Ee The Estadio La Cartuja Waa Magaalada Seville Ayaa Koobka Finalahaha Ee Copa del Rey Lagu Qaban Doonaa 18-April Sanadkan 2020.


Arintan Ayaa Waxaa Shaaciyey Xidhiidhka Kubada Cagta Wadanka Spain Ee Marka La Soo Gaabiyo Magacooda Loo Yaqaano RFEF Waxaana Garoonkan Yahay Mid Qaada 57,000 Dad Gaadhaya Iyadoo Sidoo Kale Sanadada Soo Socda Ee 2021, 2022 iyo 2023 Lagu Qaban Doono Finalka Isla Garoonkan The Estadio La Cartuja.


Waxaa Xusid Mudan In Garoonkan The Estadio La Cartuja Hore u Marti Galiyey Finalkii Copa Del Rey Ee Dhex Maray Kooxaha Valencia Iyo Atletico Madrid Xili Finalkaasi Ku Soo Dhamaaday 3-0 Guushu Raacday Kooxda Valencia.


Garoonkan The Estadio La Cartuja Ayaa Midka Kaalinta Lixaad Ku Jira Garoomada Ugu Weyn Wadanka Spain Sidoo Kale ah Midka Kaalinta Labaad Ku Jira Ee Dhanka Qaadka Marka Laga Hadlaayo Andalusia Iyadoo Lagu Qabto Dhacdooyinka Waa Weyn Ee Wadanka Spain Ka Dhaca.