Home LA LIGA

Radomir Antic Oo Soo Layliyey Kooxaha Barcelona, Atletico Madrid Iyo Real Madrid Ayaa Geeriyooday?

Radomir Antic Oo Soo Layliyey Kooxaha Barcelona, Atletico Madrid Iyo Real Madrid Ayaa Geeriyooday?
Radomir Antic Oo Soo Layliyey Kooxaha Barcelona, Atletico Madrid Iyo Real Madrid Ayaa Geeriyooday?

Kubbada cagta ayaa maalmihii ugu danbeeyay daris la noqotay warar badan oo naxdinn leh iyada oo geerida dad badan oo magac ku lahaa kubbada cagtu ay geeriyoodeen waxaana markale kubbada cagta qabsaday geerida mid ka mid ah tababarayaashii ugu halyaysanaa ee kooxo badan isku soo maray.

Tababarihii soo wada maamulay kooxaha Spain ugu waa wayn ee Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid iyo kooxo kale oo badan ayaa hadda geeridiisa la soo sheegay iyada oo tacsidiisu ay warbaahinta caalamka qabsatay.

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa hogaaminaya hay’daha kubbada cagta warbaahinta sida qiirada leh uga hadlay geerida ku timid Radomir Antic oo lagu sifeeyay halyay kubbada cagta soo maray.

Radomir Antic ayaa geeriyooday isaga oo 71 sano jir ah wuxuuna ka mid ahaa tababarayaasha faro ku tiriska ee isku soo maray kooxaha dalka Spain ugu waa wayn iyo waliba kooxo kale oo horyaalka La Liga ka mid ah.

Preminuo legendarni Radomir Antić - CdM

Radomir Antic ayaa soo maamulay kooxaha kubbada cagta ee kala ah Zaragoza, Oviedo, Atlético Madrid, Barcelona, Real Madrid iyo Celta Vigo wuxuuna xulka qarankiisa Serbia keenay koobkii aduunka ee 2010 kii ka dhacay dalka South Africa.

War ay FIFA kaga hadashay geerida Radomir Antic ayaa lagu yidhi: “Waxaa na murugo galisay in aanu ogaanay geerida tababarihii halyayga ahaa ee Radomir Antic kaas oo Serbia ku hogaamiyay koobkii aduunka ee FIFA World Cup ee South Africa.. Waxa uu fikirkayagu la jiraa qoyskiisa, asxaabtiisa ee inta lagu jiro waqtigan”.

Kooxaha Atletico Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa ka mid ah kooxihii uu Radomir Antic soo maamulay ee qoraalada tacsida ah ka soo saaray geeridiisa.

Maalmihii ugu danbeeyay intii uu aduunka ku faafahay cudurka coronavirus waxaa kubbada cagta ku soo badatay geerida gaar ahaan dadkii da’da waynaa ee sida Radomir Antic inkasta oo aan la xaqiijin in uu isagu ka mid yahay dadka u geeriyooday COVID 19.

Si kastaba ha ahaatee, kubbada cagta ayaa ubaroor diiqaysa mid ka mid ah tababarayaashii qariibka ahaa ee Radomir Antic oo isku soo maray kooxo aad u badan oo ay ku jiraan saddexda kooxood ee Spain ugu waa wayn ee Barcelona, Real Madrid iyo Atletico Madrid.