Quique Setien Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Philippe Coutinho?

Quique Setien Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Philippe Coutinho?
Kooxda Ilaa Hada La Sii Ogyahay Inay Ku Dhow Dahay Helitaanka Philippe Coutinho Amaahda Barcelona Uga Maqan Kooxda Bayern Munich?

Tababaraha kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa ka hadlay mustaqbalka khadka dhexe ee kooxdiisa ee Philippe Coutinho iyo haddii uu doonayo inuu fursad kale ku siiyo kooxdaas xilli ciyaareedka soo socda.

Coutinho ayaa hal xilli ciyaareed oo amaah ah ugu wareegay dhinaca Bayern Munich suuqii xagaaga ee 2019 kaddib xilli ciyaareed iyo badh uu ku qaatay Camp Nou iyadoo loo arkay mid aan ku haboonayn kooxda ka dhigtay xiddiga ugu qaalisan taariikhdeeda.

Maamulka sarre ee Barcelona ayaa Coutinho u arkayay il ay lacag ka samayn karaan suuqa soo socda balse arrimaha iyo xaalada dhaqaale ee dunida ayaa isbedeshay haatan kaddib saamaynta xanuunka Coronavirus.

Sidoo kale warbaahinta ayaa sheegaysa in Philippe uu la xidhiidhay wakiiladiisa oo uu u sheegay in horyaalka Premier League uu yahay meesha uu doonayo inuu ku laabto iyadoo inta ugu badan Chelsea lala xidhiidhinayo  balse tababaraha Barca ayay macquul tahay inuu qorshe kale ka damacsan yahay.

Waraysi uu siiyay raadiyaha ree Spain ee RAC1, tababare Setien ayaa sheegay in 27 sano jirka ree Brazil uu yahay ciyaartoy uu jecel yahay oo uu maanka ku hayo xilli ciyaareedka soo socda.

Setien ayaa yidhi “Waxaan filayaa in Coutinho uu yahay ciyaartoy weyn, in badan ayaan jecelahay isaga, isagu waa ciyaartoy Barcelona ah, waa inaad bixiso lacagta heshiiskiisa lagu jabin karayo ama aad lacag siiso Barca laakiin isagu waxa uu doonayaa inuu halkan kusoo laabto”

“Anigu waan ku xisaabtamayaa inuu isagu halkan joogo bilawga xilli ciyaareedka soo socda, waa inaan isaga la hadlo si aan u weydiiyo, haddii ay lagama maarmaan tahay waan la hadli doonaa isaga”