Qorshihii Macalin Mikel Arteta Ee Kooxda Arsenal Oo Khasaare Weyn Ku Dhow Hadii Pierre-Emerick Aubameyang Ka Tago Kooxdaasi?

Qorshihii Macalin Mikel Arteta Ee Kooxda Arsenal Oo Khasaare Weyn Ku Dhow Hadii Pierre-Emerick Aubameyang Ka Tago Kooxdaasi?
Qorshihii Macalin Mikel Arteta Ee Kooxda Arsenal Oo Khasaare Weyn Ku Dhow Hadii Pierre-Emerick Aubameyang Ka Tago Kooxdaasi?

Kooxda Arsenal waxay geli doontaa khasaare weyn oo aanay kasoo waaqsan karin, sidoo kalena waxa dhantaalmi doona qorshihii dibu-dhiska kooxda ee uu tababare Mikel Arteta soo bilaabay dhawr bilood ka hor markii uu xilka kala wareegay Emery, haddii ay iska iibiso weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang, sidaa waxa rumaysan difaacii hore ee Arsenal ee Bacary Sagna.

Pierre-Emerick Aubameyang oo Arsenal ay £55 milyan kaga soo iibsatay Borussia Dortmund, ayaa lala xidhiidhinayaa inuu ka tegayo xagaagan, laakiin taasi waxay dhibaato ku noqonaysaa Gunners maadaama aanay soo helin karin ciyaartoy tayadiisa iyo heerkiisa gool-dhalinta oo kale gaadhsiisan.

Arteta on Palace, Aubameyang, Zaha: transcript | Press conference ...

74 ciyaarood oo Premier League ah oo uu saftay, waxa uu u dhaliyey 49 gool, sidoo kalena waxa uu sameeyey caawimooyin badan, balse qandaraaska uu kula jiro kooxda ayaa waxa uu dhacayaa June 2021, taas oo ka dhigan in sannad kaddib uu weeraryahankani uu sannad kaddib bilaash ku bixi doono haddii inta ka horreysa aanu heshiis cusub saxeexin ama la iibinin.

Dhibaatada ugu weyn ee Gunners ka haysata cusboonaysiinta qandaraaska laacibkan ayaa waxay tahay in halka ay ka ciyaarayso uu ka hooseeyo heerkii uu doonayay oo ahaa inuu ka qayb-galo Champions League, balse ay xili ciyaareedkan u muuqdaan in xataa ay waayi doonaan ka-qaybgalka Europa League, kaas oo ay dhowaanna wareegga 16-ka kaga baxeen.

Sidaas oo ay tahay, difaacii hore ee Arsenal ee Sagna oo toddoba sannadood ka ciyaaray Emirates ka hor intii aanu sannadkii 2014 uga wareegin Manchester City, waxa uu aaminsan yahay in kooxda ka dhisan woqooyiga London ay ku qasban tahay in lacagta uu doonayo ay u hurto Aubameyang si ay ugu qanciso inuu sii joogo.

Arsenal analysis: Mikel Arteta can't afford to lose Pierre ...

“Ma tegi karayo hadda sababtoo ah Arsenal waxay ku jirtaa jidkii ay ku dhisi lahayd koox xooggan. Isagana ma lumin karayaan. Haddii ay tahay inay lacag siiyaan, kaliya ha siiyaan, sababtoo ah, haddii ay doonaan qof kale oo tayadiisa leh waxay ku kici doontaa £150 milayn.” Sidaas ayuu yidhi Sagna.

Isaga oo sababaynaya sababta ay Arsenal khasaaraha ugu tahay inuu ka baxo Aubameyang, waxa uu Sagna yidhi: “Sidaa darteed, £150 milyan haku kharash-garaynina tan, kaliya bixiya £50 milyan oo isaga siiya. Waa sidii Robin van Persie oo kale, waxaanay ila tahay inaad wax ka barateen xaaladdaas.

“Auba wuu u qalmaa. Ma odhanayo sidaas sababtoo ah magaciisa ama sababtoo ah inuu goolal yar dhaliyey, laakiin waa weeraryahanka ugu wanaagsan horyaalka.”