Qimahee Ayey Suuqa Ka Joogaan Ciyaartoyda Khadka Dhexe Ka Ciyaara Kooxaha Atletico, Real Madrid Iyo Barcelona Waxaa Sharaxaysa Shirkada Transfermarkt?

Qimahee Ayey Suuqa Ka Joogaan Ciyaartoyda Khadka Dhexe Ka Ciyaara Kooxaha Atletico, Real Madrid Iyo Barcelona Waxaa Sharaxaysa Shirkada Transfermarkt?
Qimahee Ayey Suuqa Ka Joogaan Ciyaartoyda Khadka Dhexe Ka Ciyaara Kooxaha Atletico, Real Madrid Iyo Barcelona Waxaa Sharaxaysa Shirkada Transfermarkt?

Guushii cajiibka ahayd ee Real Madrid ay Axaddii 2-0-ka ku garaacay Barcelona, kaliya saamayn kumay yeelanin niyadda Los Blancos iyo hoggaaminta horyaalka oo ay dib ugu soo laabtay, hase yeeshee, waxa kale oo ay ka caawisay in qiimaha qaar ka mid ah ciyaartoygeedu uu cirka isku shareero.

Toni Kroos, Fede Valverde iyo Casemiro ayaa ahaa xiddigihii kala goostay khadka dhexe oo tamar la’aanta ka dhigay laacibiinta Barcelona ee jabintoodu adag tahay, waxaana kaalinayey Isco oo marna weerarka u ruqaansanayey inta kalena dhismaha kubadda iyo cabbinta Barca kala shaqaynayay saddexdiisa saaxiib ee khadka dhexe kula soo bilowday.

Image result for Thomas, Saul and Herrera

Casemiro iyo Valverde ayaa ugu waxqabad badnaa, waxaanay go’doon ka dhigeen Lionel Messi iyo Frankie de Jong, sidoo kalena waxay ahaayeen cudduda hore u riixaysay kubadda marka ay lumiyaanna qaab difaaceed cajiib ah samaynayay.

Sida ay daabacday shirkadda qiimaynta suuqa ciyaartoyga ee Transfermarkt, guushiii El Clasico waxay Real Madrid sare ugu qaadday qiimaha ay suuqa ka taagan yihiin laacibiinteeda khadka dhexe, gaar ahaan Casemiro, Valverde iyo Toni Kroos.

Da’yarka reer Uruguay ee Fede Valverde oo loo doortay xiddigii kulankaas, waxa qiimaha uu suuqa ka taagan yahay oo hore u ahaa 50 milyan oo Gini ku kordhay toban milyan oo kale, waxaanu hadda marayaa 60 Milyan oo Euro.

Casemiro oo qiimaha uu suuqa ka joogaa hore u ahaa 70 milyan, waxa uu hadda taagan yahay 80 milyan, waxaanay labadan laacib sameeyeen rikodh layaab leh oo ay ku mutaysteen bandhiggii kulankaas.

Toni Kroos ayaa isagana qiimaha uu suuqa ka jooga ee Transfermarkt   ay sheegtay uu yahay 60 milyan.

Marka la isku geeyo qiimaha saddexdan laacib ay ka joogaan suuqa kaddib ciyaartii Clasico, waa 200 milyan oo Euro.

Dhinaca Barcelona, hoos u dhac ayaa ku yimid qiimaha ay xiddigaheedu ka taagnaayeen suuqa, waxaanay aad uga hooseeyaan kuwa Real Madrid, gaar ahaan Busquets, Vidal iyo De Jong, waxaana ka sarreeya laacibiinta Atletico Madrid ee boosaskaas ka ciyaara sida Thomas, Saul iyo Herrera.

Sergio Busquets waxay Transfermarkt   sheegtay in qiimihiisu yahay 35 milyan, Vidal 14 milyan iyo De Jong 90 milyan, waxaanay isku-geyntoodu noqonaysaa 139 milyan oo Euro, halka Atletico ay ku qiimaysan yihiin Thomas 50 milyan, Saul 90 milyan iyo Herrera 20 milyan iyadoo isu-geyntooduna noqonayso 160 milyan oo Euro.

Image result for Thomas, Saul and Herrera

Real Madrid waxa hoos u dhac ku yimid qiimaha ay suuqa ka taagnaayeen xiddigaha Eden Hazard oo 120 milyan ay xagaagii kaga soo iibsatay Chelsea laakiin ay dhaawacyo ragaadiyeen waqtigiisa Bernabeu iyo difaaca reer Brazil ee Eder Militao oo 45 milayn ay kasoo bixisay.

Image result for Sergio Busquets

Qiimaynta Transfermarkt  waxay muujinaysaa in Hazard uu 20 milyan oo Euro hoos uga soo dhacay halkii uu taagnaa, haddana uu yahay 100 milyan, halka uu Militao oo hore ugu qiimaysnaa 45 uu noqday 40 milyan.