Qalab Ciyaaraha Oo Loo Qaybiyey Kooxo Ka Dhisan Koonfur Galbeed Soomaaliya?

Qalab Ciyaaraha Oo Loo Qaybiyey Kooxo Ka Dhisan Koonfur Galbeed Soomaaliya?

Xidhiidhka Kubbadda cagta Soomaliya ayaa qalab Ciyaaraha oo kala duwan u qaybiyay ilaa koox oo ka mid ah kuwa sanadkan ka qeyb galaya horyaalka kubbadda cagta Koonfur Galbeed oo markii ugu horeesay la qabanayo maamulkaasi waxaana fududaynta iyo qarashaadka inta uu tartanka socdo bixinaaya X.K.Cagta Soomaaliya.

Axmed Cismaan Cali “Axmed Dollar”

“Way mahadsanyihiin Xiriirka Kubbadda Cagta kaalinta ay ka qaadanayaan horomarinta kubbadda cagta Koonfur Gabeed waxayna tani dhiiri gelin u noqonaysaa in tartamada iminka inoo socda ay kasoo baxaan dhallinyar badan oo ka qeyb qaadanaya Xulka Qaranka Soomaaliya” ayuu saxaafada u sheegay guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta Koonfur Galbeed Axmed Cusmaan Cali (Axmed Dollar).

Abuukar Islaw Xasan Gudoomiyaha Warbaahinta Ahna Ku Xigeenka Arimaha Horumarinta Maamul Gobolkeedyada.

Guddoomiyaha warbaahinta ahna guddoomiye ku xigeenka arimaha horomarinta Maamul Goboleedyada Xidhiidhka Kubbadda Cagta Soomaaliya Abuukar Islaw Xasan aya sheegay in Xidhiidhka uu ku howlan yahay horomarinta iyo kor u qaadida kubbadda cagta guud ahaan Koonfur Galbeed.

Cali Dhuux Maxamed Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maaxamed ayaa u mahad celiyay madaxda Xidhiidhka Kubabdda Cagta Soomaaliya,da’daalada horomarineyd ay ka wadaan Maamulka Koonfur Galbeed tani ay kor u qaadayso is dhaxgalka bulshada iyo nabadda.

21-Jamadul Thaani-1441 Sabti By Tayo Qaran AL-AhmåDi.