Qabashadii Ciyaaraha Gobolada Somalilaan Iyo Gudidii Qaban Qaabada Oo Lagu Dhawaaqay Goor Dhow?

Qabashadii Ciyaaraha Gobolada Somalilaan Iyo Gudidii Qaban Qaabada Oo Lagu Dhawaaqay Goor Dhow?
Qabashadii Ciyaaraha Gobolada Somalilaan Iyo Gudidii Qaban Qaabada Oo Lagu Dhawaaqay Goor Dhow?

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somalilaan Yuusuf Mire Maxamed “Boss” Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa Ayaa Ku Dhawaaqay Qabashada Ciyaaraha Gobolada Somalilaan Ee Sanadkan 1442 Kuna Beegan 2020 Oo Dhawaan La Qaban Doono Insha Allah.

Tartanka Gobolada Somalilaan Ayaa La Qaban Doonaa 11-Rabiicul Awel-1442 Kuna Beegan 28-Oct-2020 Maalin Arbaca ah Iyadoo Ay Qayb Gali Doonaan 14-Gobol Ee Jamhuuriyada Somalilaan Ka Kooban Tahay Hadii Alle Idhaahdo.

Wasiir Yuusuf Mire Maxamed Ayaa Sheegay In Baahi Weyn Loo Qabo Qabashada Ciyaaraha Gobolada Somalilaan Xili Uu Ku Dhawaaqay Gudida Qaban Qaabada Ciyaaraha Gobolada Somalilaan Oo Gudoomiye Looga Dhigay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somalilaan Maxamed Cabdilaahi Siciid Khaawi.

Wasiir Yuusuf Mire Maxamed “Boss” Ayaa Gudida Qaban Qaabada Ciyaaraha Gobolada Somalilaan Kula Dardaarmay Inay Howshaasi Si Buuxda Uga Qayb Qaataan Isla Markaana Dardar Galiyaan.

26-Muxaram-1442 Isniin By Tayo Qaran AL-AhmaDi.