Home Premier League

Premier League Oo Go’aan Ka Gaadhay Dalabkii Ka Soo Yeedhay Dhaxal Sugaha Sacuudiga?

Premier League Oo Go'aan Ka Gaadhay Dalabkii Ka Soo Yeedhay Dhaxal Sugaha Sacuudiga?
Premier League Oo Go'aan Ka Gaadhay Dalabkii Ka Soo Yeedhay Dhaxal Sugaha Sacuudiga?

Maamulka horyaalka Premier league ayaa go’aan ka gaadhay dalabkii 300 milyan gini ahaa ee uu Mohamed Bin Salman ku doonayay in uu ku iibsado mulkiyada kooxda horyaalka Ingiriiska ee Newcastle United.

Dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay waxaa socday olole wayn oo looga soo horjeeday in Mohamed Bin Salman uu iibsado kooxda Newcastle United kadib markii lagu eedeeyay in uu masuul ka ahaa dilal iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Laakiin war hadda soo baxay ayaa sheegaya in maamulka Premier league uu ogolaaday in maal qabeenada reer Saudi Arabia ay dhamaystiri karaan iibka 300 milyan gini ah ee ay ku doonayaan kooxda Newcastle United.

Wargayska The Sun ayaa shaaciyay in maamulka Premier League ay khadka cagaaran siiyeen gabadha Mohamed Bin Salman wakiilka uga ah iibka kooxdan ee Amanda Staveley taas oo hadda sii wadi karta dhamaystirka heshiiskan.

Gabadha uu Mohamed Bin Salman u xil saaray soo dhamaystirka heshiiska Newcastle United ee Amanda Staveley ayaa xidhiidh cajiib ah la leh madaxda Carbeed waxayna sanadkii 2008 kii suurtogal ka dhigtay maal galin  £7.3 bilyan gini ah oo ay Abu Dabai iyo Qatar maal galino ku sameeyeen.

Warkan ayaa lagu sheegay in maamulka iyo agaasimayaasha Premier league ay ku mashquul sanaayeen dib bilaabista xili ciyaareedka isla markaana ay taasi dib u dhigtay in heshiiska Newcastle United ee maal qabeenada Suadi Arabia aan wali la dhamaystirin.

Laakiin warka hadda soo baxay ayaa sheegaya in Amanda Staveley  la siiyay ogolaansho ay ku dhamaystiri karto iibka uu Mohamed Bin Salman ku iibsanayo kooxda Newcastle United isla markaana ay todobaadka soo socda heli doonto jawaabta rasmiga ah.

Waxaana warkan la raaciyay in marka la dhamaystiro waraaqaha shaqo ee ay maal qabeenada Saudi Arabia ku iibsanayaan kooxda Newcastle United in kadib heshiska si rasmi ah loogu dhawaaqi doono.

Mohamed Bin Salman waxa uu badali doonaa mulkiilaha hadda ee kooxda Newcastle United ee Mike Ashley kaas oo ay taageerayaasha Newcastle United aad u naceen sanadihii ugu danbeeyay waxayna hadda rajaynayaan in ay ka mid noqon doonaan kooxaha Premier League ugu awooda badan.

Mulkiilaha kooxda Necastle United ee Mike Ashley ayaa kooxda soo hogaaminayay muddo 13 sanadood ah waxayna heerka labaad u dhacday laba jeer intii uu mulkiyada kooxda lahaa waxayna hadda u muuqataa in maamulkiisii uu soo dhamaanayo.

Marka la dhamaystiro heshiiska uu Mohamed Bin Salman kula wareegayo kooxda Newcastle United waxaa la filayaa in la samayn doono isbadal wayn oo dhinaca kooxda ah waxaana la filayaa in tababaraha cusub loo magacaabi doono mid ahaan Mauricio Pochettino iyo Rafa Benitez oo ahaa shaqsidii sida deg dega ah Newcastle heerka labaad uga soo celiyay.

Si kastaba ha ahaatee, hay’dihii xuquuqda aadanaha iyo shaqsiyaadkii isku dayay in ay Mohamed Bin Salman ka joojiyaan la wareegista kooxda Newcastle United ayaa hadda u muuqda kuwo laga adkaaday iyada oo maamulka Premier League ay bixiyeen ogolaasho heshiiskan lagu dhamaystiri karo.