Pogba: Maxaa Ku soo Kordhay Xaaladiisa.

Pogba: Maxaa Ku soo Kordhay Xaaladiisa.
Paul Pogba Diyaar Ma u Yahay Kulanka Kooxdiisa Iyo Kooxda Ay Isku Magaalada Yihiin Ee Man City.

Laacibka qadka dhexe ee reer France ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo bishii Diseembar wuxuuna saftay kaliya 7 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkii 2019-20, Paul Pogba ayaa ku baahiyay muuqaal fiidiyoow ah bartiisa Instagram-ka muuqaalkaas oo muujinaya isagoo sameynayo jimicsiyo kala duwan iyadoo qadka dhexe ee Manchester United uu ka shaqeynayo sidii uu ugu soo laaban lahaa taam ahaanshihiisa.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa maqnaa tan iyo 26kii Diseembar, markii uu bedel kusoo galay qeybtii labaad ee ciyaartii ay United 4-1 kaga badisay Newcastle ee ka dhacday Old Trafford, United ayaa la temtay maqnaanshaha Pogba, iyadoo sidoo kale uu dhaawac soo gaadhay Scott McTominay arintaas oo man united ku qasabtay inay la soo saxeexdaan bruno fernandes.

halkan ka daawo horumarka uu samaynaayo paul pogba.

View this post on Instagram

รl๏ฬly ๒ยt รยгєly 🧿

A post shared by Paul Labile Pogba (@paulpogba) on