Pele ayaa u hambalyeeyay Ronaldo ka dib markii xiddiga reer Portugal uu dhaliyay goolkiisii ​​100aad ee caalamiga ah

Pele ayaa u hambalyeeyay Ronaldo ka dib markii xiddiga reer Portugal uu dhaliyay goolkiisii ​​100aad ee caalamiga ah
Portuguese football player Cristiano Ronaldo (L) receives from the hands of Brazilian football legend Pele the FIFA world Footballer of the Year 2008 award on January 12, 2009 in Zurich. Ronaldo, who is also holder of the prestigious Ballon d'Or for the European Footballer of the Year, beat off competition from 2007 winner Kaka (Brazil), Lionel Messi (Argentina), Fernando Torres (Spain) and Xavi (Spain). AFP PHOTO / FABRICE COFFRINI (Photo credit should read FABRICE COFFRINI/AFP/Getty Images)

Halyeeygii reer Brazil ee Pele ayaa si dhaqso leh u sharfay guulaha caalamiga ah ee xiddiga Juventus isla markaa hambalyo hawada u soo mariyey cr7.

Halyeeyga reer Brazil Pele ayaa ugu hambalyeeyay Cristiano Ronaldo inuu dhaafay 100-kii gool ee xulkiisa Portugal.

36 jirkan reer portugal ayaa shabaqa soo taabtay kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Sweden ciyaartii ka tirsanayd Nations League-ga Talaadadii taasoo ka dhigeysa in goolashiisa heerka caalami ay gaarayaan ilaa 101.

Ronaldo ayaa haatan kaliya 8 gool uga dhiman tahay inuu u gaadho recordka uu haysto halyeeyga reer Iran Ali Daei.

waxaa xusid mudan inuu haatan cr7 ka goolal badan yahay pele xiddiga reer Brazil ayaa u dhaliyey qarankiisa 77 gool.

“Waxaan u maleynayay inaan maanta u dabaaldegeyno 100 gool. Laakiin dhab ahaantii waxay ahayd 101! Hambalyo @Cristiano, maadaama aad meel sare ka gaadhay safarkaaga,” ayuu Pele ku soo qoray Twitter-ka.

Markii la weydiiyay inuu cr7 ka fiican yahay Messi, 79 jirkaan ayaa ku jawaabay: “Taasi waa su’aal adag in laga jawaabo, marar badan ayaa la i weydiiyay.

Pele ayaa ku kaftamay inuu labadoodba isagu ka fiicnaa oo aanu jiri doonin xiddig isaga la mid ihi, Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa la rumeysan yahay inuu dhaliyey 767 gool intii uu ku gudajiray mustaqbalkiisa ciyaareed ee cajiibka ahaa iyadoo Ronaldo uu ilaa haatan ku dhaliyey 739.

Taas oo la micnoah inuu Pele weli ka sareeyo cristiono ronaldo, pele ayaa sareeya 28 gool.