Home BundesLiga

Pele Ayaa Soo Xushay Shaxda Ka Kooban Tobanka Ciyaartoy Ee Ugu Fiican Taariikhda Kubada Cagta?

Pele Ayaa Soo Xushay Shaxda Ka Kooban Tobanka Ciyaartoy Ee Ugu Fiican Taariikhda Kubada Cagta?
Pele Ayaa Soo Xushay Shaxda Ka Kooban Tobanka Ciyaartoy Ee Ugu Fiican Taariikhda Kubada Cagta?

Halyeeyga reer Brazil ee Pele ayaa magacaabay 10-ka xiddig ee ugu fiican taariikhda kubada cagta xilli uu ku jiray waraysi.

Pele ayaa haatan jira 79 sano waxana ay dad badan ku sheegaan in uu yahay xiddiga ugu fiican taariikhda kubada cagta kadib markii uu koobka adduunka ku guulaystay 3 jeer.

Pele ayaa xulka qarankiisa Brazil kula guulaystay koobka adduunka 3 jeer sanadihii 1958, 1962 iyo 1970-kii.

Pele ayaa waraysi siiyay shabakada O Rei ayaa ka jawaabay su’aasha in uu magacaabo 10-ka xiddig ee ugu fiican taariikhda kubada cagra fikir ahaantiisa.

Why Pele is football's greatest global ambassador

“Waa su’aal aad u adag sababta oo ah way adagtahay in la is bar-bar dhigo xiddigaha sabab la xidhiidha kala duwanaanshohooda laakiin waxa jira xiddigo aad u badan oo cajiib ah oo aan ku tilmaami karo kuwa ugu fiican”.

“10-Ka xiddig ee aan u dooran karo kuwa ugu fiican taariikhda kubada cagta ayaa kala ah Maradona, Di Stefano, Trapattoni, Garrincha, Cruyff, Beckenbauer, Luis Alberto, Zidane, Ronaldo, Iniesta”.

“Waxa aan sanadihii ugu dambeeyay Nasiib u yeelanay in aan daawano xiddigaha Ronaldo, Messi iyo xiddigo badan oo haatan soo baxaya”.

Pele ayaa u muuqda mid ka reebay xiddigaha Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo Liiska xiddigaha ugu fiican taariikhda adduunka.