Pedro Sanchez Raysalwasaaraha Wadanka Spain Ayaa Sheegay In La Furi Doono Horyaalka La Liga Iyo Kan Heerka Labaad?

Dawlada Dalka Spain ayaa war ka soo saartay xaalada uu dalkeedu marayo iyo waqtiga ciyaartoyda iyo dad waynaha loo ogolaanayo in ay guryahooda ka soo bixi karaan. Ra’isal wasaaraha Spain ee Pedro Sanchez  ayaa hadda warbaahinta la hadlay.

Ra’isal wasaaraha Spain ee Pedro Sanchez  ayaa shaaciyay in May 4 ciyaartoyda kubbada cagta iyo dad waynaha loo ogolaan doono in qayb ahaan laga qaado xayiraadii saarnayd wuxuuna ku dhawaaqay in ay jiri doonaan afar waji oo kala duwan oo taxadar lagu samayn doono inta aan noloshii caadiga ahayd lagu soo laaban.

Horyaalka Spain ee La Liga iyo hoyraalka heerka labaad ayaa la filayaa in ay bilaabi doonaan diyaar garowga sidii xili ciyaareedka dib loogu bilaabi lahaa wuxuuna ra’isal wasaare ee Pedro Sanchez  uu muujiyay in ay rajo fiican helayaan kooxaha diyaar garowga bilaabayaa.