Paulo Dybala Muxuu Ka Yidhi Xanuunka Coronavirus Ee Laga Helay Dhawaan?

Paulo Dybala Muxuu Ka Yidhi Xanuunka Coronavirus Ee Laga Helay Dhawaan?
Paulo Dybala Muxuu Ka Yidhi Xanuunka Coronavirus Ee Laga Helay Dhawaan?

Paulo Dybala ayaa dareemay sida qof ay naftu ka dhaceyso ka dib shan daqiiqo uu tababar sameeyay isagoo qaba caabuqa Coronavirus.

Laakiin weeraryahanka Juventus iyo saaxiibtiisa Oriana Sabatini ayaa haatan dareemaya inay fiican yihiin ka dib markii laga helay caabuqa halista ah.

Lamaanahaan ayaa karantiil la geliyay iyagoo wada jooga laakiin xaaladooda ayaa haatan soo reyneysa madaama caalamadihii lagu yaqaanay Coronavirus uu ka baaba’ay.

Si kastaba, 26 jirkaan u soo ciyaaray kooxda Palermo ayaa isku dayay inuu taabbar sameeyo taasoo ka dhigtay sida ruux ay naftu ka dhaceyso.

Dybala ayaa yidhi: “Waan fiicanahay ka dib caalamado xoogan oo aan dareemay labo maalmood haatan wax calaamado ah ma lihi, Si fiican ayaan u socon karaa, waxaana isku dayayaa inaan tababar sameeyo.

“Markii aan isku dayay inaan tababar sameeyo dhowr maalmood ka hor waxaa igu dhegay naqaska ka dib shan daqiiqo waxaan noqday mid naftu ay ka dhaceyso, jirka ayaa i cuslaaday, murqaha ayaa i xanuunay. Haatan aniga iyo Oriana waan fiicanahay.”

Horaantii isbuucaan seddex ka mid ah qoyska Dybala ayaa boliiska ay si qasab ah karantiil u geliyeen iyadoo laga baqayay inay sidaan caabuqa Coronavirus.

Xubanaha ka tirsan qoyskiisa ayaa xiddiga Juventus ku booqday Turin, waxayna ku laabteen Argentina 12kii bishan March.

Hooyadii, walaalkii Gustavo iyo xaaskiisa ayaa la arkayay iyagoo si joogta ah uga baxaya gurigooda islamarkaana shacabka dhex socda.

Seddexduba waxaa qabtay boliiska kuwaasi oo ku karantiilay cusbitaal ku yaala magaalada Cordoba oo ay degan yihiin.