Paul Pogba Diyaar Ma u Yahay Kulanka Kooxdiisa Iyo Kooxda Ay Isku Magaalada Yihiin Ee Man City.

Paul Pogba Diyaar Ma u Yahay Kulanka Kooxdiisa Iyo Kooxda Ay Isku Magaalada Yihiin Ee Man City.
Paul Pogba Diyaar Ma u Yahay Kulanka Kooxdiisa Iyo Kooxda Ay Isku Magaalada Yihiin Ee Man City.

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in uu Paul Pogba si lama filaan ah uga soo laabanayo dhaawaca uu kaga maqnaa kooxdiisa intii badnayd ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa la sheegayaa in uu ciyaari karo kulanka ay Man United la ciyaari doonto Man City kana tirsan horyaalka Premier League.

Pogba ayaa ku maqan dhaawac kuraanta ah xilli ciyaareedkan kaas oo uu ku maqnaa muddo 3 bilood ah ka hor inta uuna qaliin marin haatana muddo bilo ah kaga maqnaan garoomada.

Wargayska Daily Mail ayaa seegaya in uu xiddiga khadka dhexe rajaynayo in uu tababarka buuxa ku soo laabto todobaadyada soo socda kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawaca.

Hadii ay sidaas dhacdo Pogba ayaa rajaynaya in uu diyaar u noqdo kana qayb qaato kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Man City 8 bisha March ee soo socota.