Oriana Sabatini Oo Shaaca Ka Qaaday Waxa Ka Dhaxeeya Iyada Iyo Paulo Dybala?

Oriana Sabatini Oo Shaaca Ka Qaaday Waxa Ka Dhaxeeya Iyada Iyo Paulo Dybala?
Oriana Sabatini Oo Shaaca Ka Qaaday Waxa Ka Dhaxeeya Iyada Iyo Paulo Dybala?

Saaxiibta weeraryahanka Juventus ee Paulo Dybala oo lagu magacaabo Oriana Sabatini ayaa shaaca ka qaaday waxa ka xaqiiqo ahaa warar ay dhawaan warbaahintu baahisay oo sheegayay in saaxiibkeed markii afraad laga helay caabuqa dilaaga ah ee Corona.

Dybala ayaa kamid ahaa tiro ciyaartoy ah oo ka tirsan Juventus oo uu saameeyay xanuunkani iyadoo laba ciyaartoy ee kale ee uu kooxdaas ka haleelay ay ahaayeen Blaise Matuidi iyo Daniele Rugani.

Wargeyska ugu horreynba daabacay ee dunida ku faafiyay wararka sheegaya in Paulo markii afraad dib looga helay xanuunkan ayaa ahaa El Chiringuito de Jugones oo Spain kasoo baxa.

Oriana Sabatini oo haatan cod WhatsApp ah xog ku siisay il-wareedka El Nueve ayaa shaaca ka qaaday in wararka sheegaya in Dybala afar jeer laga helay xanuunka aysan sal iyo raad midna lahayn balse uu Dybala wali xanuunka qabo oo uusan sidii uu markii koowaad ugu dhacay wali kasoo kabanin.

Oriana ayaa hadalkeeda ku bilawday “Anigu ma garanayo halka barnaamijyada qaar ay ka helaan xogahooda, Paulo markale ma uusan noqon mid xanuunka laga helay (Posative), isagu marnaba muu noqon mid kasoo caafimaaday (Negative)”

“Waa inaad sugtaan, waa in isagu uu helo tijaabooyinkii ugu dambeeyay oo aad aragtaan waxa dhaca, anigu ma garanayo cida iyaga siisay xogta, laakiin hubaashii anaga nagamay iman”

“Waxaanu sheegnay inuu Virus qabay malaha dadkuna shakiga ayay ka saari doonaan haddii aanu nidhi isagu  ma qabo, laakiin anagu ma doonayno inaanu bixino war been abuur ah sababtoo ah wakhtiyada qaar tijaabooyinka caafimaadka sheegayaa waa qalad sidaas darteed maanu doonayn inaanu hadalno ilaa aanu 100% hubno”

Waxa xusid mudan in labada xiddig ee kale ee uu Juventus xanuunkani ka haleelay ee Daniele Rugani iyo Blaise Matuidi ay labaduba dhawaan soo kabteen.