Oliver Mintzlaff Oo War Ka Soo Saaray Timo Werner Ka Dib Markii Uu Burbur Ku Yimid Wada Xaajoodkii Kooxda Liverpool?

Oliver Mintzlaff  Oo War Ka Soo Saaray Timo Werner Ka Dib Markii Uu Burbur Ku Yimid Wada Xaajoodkii Kooxda Liverpool?
Oliver Mintzlaff Oo War Ka Soo Saaray Timo Werner Ka Dib Markii Uu Burbur Ku Yimid Wada Xaajoodkii Kooxda Liverpool?

Kooxda reer Germany ee RB Leipzig gaar ahaan madaxa fulinta kooxdaasi ee Oliver Mintzlaff ayaa go’aan rasmi ah kasoo saaray xaalada suuqa kala iibsiga ee dhaliyaha kooxdooda ee Timo Werner ka dib bur-bur ku yimid wada-xaajoodkii ay Liverpool kula jireen.

Timo Werner oo 24 sano jir ah ayaa la sheegayaa inuu bar-tilmaameed muhiim ah u yahay Liverpool xilli ciyaareedkan kaddib markii uu 30 gool kusoo dhaliyay 39 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

War dhawaan soo baxay ayaa sheegayay in Liverpool ay gabi ahaanba iskaga baxday heshiiskii ay ku doonaysay Werner iyaga oo aan doonayn inay bixiyaan dhammaan lacagaha heshiiskiisa lagu bur-burin karo.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya saxaafada Germany, heshiiska Timo ayaa ah mid lagu jabin karo 49 Milyan oo Pound kaas oo ay tahay in la bixiyo kahor 15-ka bisha June balse Reds ayaan doonayn bixinta qiimahaas.

Haddaba, Oliver Mintzlaff oo saxaafada la hadlay kaddib go’aanka Liverpool ayaa sheegay inaysan iyaguna marnaba hoos uga soo daadagi doona lacagta lagu jabinayo heshiiska xiddigooda oo qandaraaskiisa kooxda ay saddex sano ka hadheen.

“Sinaba heshiiskaas uma jabi doono, kuma iibin doono ciyaaryahan wax ka hooseeya qiimihiisa haddii uu ku jiro heshiiska ay hal sano wax ka badani ka hadheen” ayuu Mintzlaff u sheegay wargeyska Bild.

“Guud ahaan markasta waa inaanu is-weydiino su’aashan soo socota, miyaanu ciyaaryahan bedeli karnaa haddii aanu ku iibino wax ka hooseeya qiimihiisa suuqa?”