Ole Gunnar Solskjaer Ayaa Shantan Ciyaartoy Ka Eryi Doona Kooxda Hadaba Waa Kuwee Ciyaartoydaasi?

Ole Gunnar Solskjaer Ayaa Shantan Ciyaartoy Ka Eryi Doona Kooxda Hadaba Waa Kuwee Ciyaartoydaasi?
Jawaabta Uu Solskjaer Ka Helay Halyeey Kooxda Man United Ma u Keeni Kartaa Ciyaartoy Shan ah?

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegay inuu kooxdiisa ka caydhin doono shan ciyaartoy oo waaweyn oo qaarkood mushaharooyin badan ka qaataan sannadkii, si uu u yareeyo lacagta badan ee kooxda ka baxaysa, una dhimo tirada laacibiinta aan waxqabadka wanaagsan u lahayn ee culayska ku haya.

Tababaraha reer Norway ayaa bilihii ugu dambeeyey ay kooxdiisa kasoo muuqanaysay astaan horumar ah iyo qaab ciyaareed wanaagsan, waxaanay si xidhiidh ah in muddo ah ugu socdeen dariiq guul-darro la’aan ah oo siiyey fursad ay ugu soo dhowaadaan Chelsea oo kaalinta afraad kaga jirta miiska kala-sarraynta Premier League, taas oo kaliya ay saddex dhibcood oo farqi ah u dhexeeyaan.

Ole ayaa la rumaysan yahay inuu leeyahay hoggaamin wanaagsan, iyadoo looga soo tusaale qaadanayo xilligii uu la wareegay shaqadan ee uu ka beddelay Jose Mourinho oo United ay ahayd mid qasan oo aan la garanayn meel ay u socoto.

Waxa kale oo Ole Gunnar Solskjaer uu Mourinho ka dhaxlay koox gaboobaysa marka la eego celceliska da’da ciyaartoyda oo kuwooda ugu waaweyn ee xirfaddoodu gabogabada tahay ay mushaharooyinka ugu badan qaataan, waxaanu markiiba ka shaqeeyey sidii uu u xallin lahaa taas, iyadoo uu ahmiyadda koowaad ka dhigtay saxeexyo da’yar, ciyaartoy aan aad loo aqoonin iyo sidii uu tallaabo-tallaabo sare ugu soo kicin lahaa.

Tusaale ahaan, Daniel James waxa uu ahaa ciyaartoy aanu cidina garanayn oo markiiba si layaab leh ula qabsaday Manchester United, ka hor intii aanu qasnadda kooxda u jabinin Harry Maguire oo £80 milyan uu kusoo iibsaday iyo Aaron Wan-Bissaka oo £50 milyan uu Crystal Palace kaga soo qaatay, kuwaas oo xalliyey dhibaatadii difaaca ka jirtay.

Marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagan, Ole Gunnar Solskjaer waxa miiska u saaran magacyada shan ciyaartoy oo uu garoonka Old Trafford ka caydhin doono, waxaana kooxdu ka heli doontaa faa’iido dhaqaale oo aan badnayn marka la eego lacagta ay suurtogalka tahay in lagu iibsado, laakiin waxa dhaqaale badan uga baaqan doonaa mushaharkii ay siin jirtay iyo culayskii ay tababaraha ku hayeen oo ka degi doono.

Phil Jones, Jesse Lingard, Andreas Pereira, Chris Smalling iyo Alexis Sanchez ayaa uu tababaruhu go’aamiyey inuu ka diro Old Trafford, waxaanay ku bixi doonaan marxalado kala duwan.

Jone oo waayay boos uu ka ciyaaro intii uu Maguire yimid Manchester United, waxa uu dheeraad ku noqday ciyaartoyda naadiga, sidaas oo kalena Lingard oo ciyaartiisu si layaable hoos ugu dhacday iyo Pereira ayey ku adag tahay inay helaan fursado, waana sabab macquul ah haddii uu labadoodaba is-dhaafiyo.

Smalling iyo Sanchez oo labaduba amaah ugu kala maqan Roma iyo Inter Milan, ayaa iyagana aanu boos u oollin oo xagaagan suuqa la dhigi doonaa.