Neymar JR Ayaa Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Iyo Hadii Uu Dib Ugu Soo Laaban Karo Kooxdiisii Hore Ee Barcelona?

Neymar JR Ayaa Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Iyo Hadii Uu Dib Ugu Soo Laaban Karo Kooxdiisii Hore Ee Barcelona?
Neymar JR Ayaa Go'aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Iyo Hadii Uu Dib Ugu Soo Laaban Karo Kooxdiisii Hore Ee Barcelona?

Garabka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar JR ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan buuxa ka qaatay mustaqbalkiisa iyo haddii uu dib ugu laabanayo kooxdiisii Barcelona suuqa xagaagan wax ka yar sanad kaddib markii uu ku fashilmay inuu ku laabto.

Walow ay ku fashilmeen xagaagii hore saxeexiisa kaddib wada xaajood mudo dheer jiitamayay, Barcelona ayaa la fahamsan yahay inay doonayso markale saxeexa Neymar iyo inay dib usoo noolayso xiisihii ay u muujinaysay.

Sababta ugu weyn ee ay Barcelona u doonayso saxeexa 28 sano jirkaas ayaa lagu sheegay maadaama oo kabtankeeda Lionel Messi uu xiisaynayo inuu markale ka garab ciyaaro.

Kaddib markii ay Barca xagaagii hore si weyn ugu ceebowday dalabaad badan oo lacag iyo ciyaartoy iskugu jiray oo ay ku doonaysay saxeexa Neymar xiddiga ayaan qaab wanaagsan loogula dhaqmin kooxdiisa kaddib fashilkii heshiiskaas.

Waxa xusid mudan in markii ugu horreysay ee uu kusoo laabtay shaxda koowaad ee kooxdiisa uu orin kala kulmay jamaahiirta mayalka adag ee PSG.

Haddaba, Wargeyska ree Spain ee Sport ayaa haatan shaaca ka qaaday in Neymar uu diiday heshiis kordhintii kooxdiisa oo uu dib u dhigayay ilaa bishii October ee sanadkii hore.

Dhinaca kale wargeyka ayaa xusaya in Ney oo go’aankiisa kama dambabaysta ah la wadaagay Blaugrana uu u sheegay inuu doonayo kusoo laabashada kooxdaas markale.

Ugu dambayn, Dhibtii ugu weyneyd ee Barcelona ka qabsatay saxeexa Neymar suuqii hore ayaa ahaa lacag yaraan maadaama oo ay 108 Milyan oo Pound xilli hore kula wareegeen Greizmann.