Home Premier League

Muxuu Yahay Hadalka Ka Soo Yeedhay Mark Bullingham Ee Ku Saabsan Dhamaadka Xili Ciyaareedka Premier League?

Muxuu Yahay Hadalka Ka Soo Yeedhay Mark Bullingham Ee Ku Saabsan Dhamaadka Xili Ciyaareedka Premier League?

Hadal kasoo yeedhay Agaasimaha fulinta Xidhiidhka kubadda Cagta Ingiriiska, Mark Bullingham ayaa warar cusub ku abuuray kubadda cagta dalkaas, gaar ahaan horyaalka Premier League oo dhamaadkiisa ay inta badan kooxaha uga hadhsan yihiin 9 kulan iyo shan kooxood oo min 10 ciyaarood u dhiman yihiin.

Horyaalka Premier League iyo Championship-ka ayaa dib u bilaabmi doona April 4, laakiin xanuunka Coronavirus oo wali sii faafaya ayaa mugdi gelinaya haddii ay suurtogal noqonayso in ciyaaruhu qabsoomaan.

Agaasimaha fulinta Xidhiidhka kubadda Cagta Ingiriiska, Mark Bullingham oo ka hadlay haddii horyaalka Premier League iyo EFL dib loo bilaabi doono ayaa waxa uu sheegay in isaguba aanu garanayn haddii ay taasi dhici karto amaba horyaalka xili ciyaareedkan la dhamaystiri karayo, laakiin ay tahay inta ka horreysa bisha June in go’aan laga gaadho qaabka lagu dhamaynayo.

“Waxa jira xaalado badan oo kala duwan oo aanaan midkoodna meesha ka saaraynin.” Ayuu yidhi Agaasimaha fulinta Xidhiidhka kubadda Cagta Ingiriiska, Mark Bullingham, waxaanu tilmaamay in aanay cidina ogeyn waxa dhici doona, waxaanu yidhi: “Qofna ma oga waxa dhici doona, fakaagna waxaanu u haysanaa in xagaaga la dhamaystiro, taas oo ah ahmiyadda qof walba.”

“Haddii ay noqoto dhamaystirka horyaallada maxalliga ah, waxa aan ka bilaabayaa inaan idhaahdo, waxa jira waxyaabo badan oo dunida ka jira oo waqtigan ka muhiimsan kubadda cagta. Laakiin haddii aan aragtidayda u dhiibto maamul kubbad-cag ahaan, aragtida qof walba waa waxa aanu doonayno ee ah in xili ciyaareedka maxalliga ahi dhamaado, wax kasta oo suurtogal ahba.” Ayuu raaciyey.

June 30 oo ah waqtiga loo qabtay in horyaallada lagu dhamaystiro, ayuu Agaasimaha fulinta Xidhiidhka kubadda Cagta Ingiriiska, Mark Bullingham sheegay in wixii ka dambeeya 30-ka June ay arrimuhu adkaan doonaan, laakiin haddana waqtigan lagu jiro xaalad aan caadi ahayn oo ay miiska saaran yihiin xalal la eegi doono haddii ay wax isbeddeli waayaan.