Muxuu Xildhibaanka Ka Tirsan Baarlamaanka Yurub u Sheegay Kooxda PSG?

Muxuu Xildhibaanka Ka Tirsan Baarlamaanka Yurub u Sheegay Kooxda PSG?
Muxuu Xildhibaanka Ka Tirsan Baarlamaanka Yurub u Sheegay Kooxda PSG?

PSG waa inay isku diyaariso xaaladdii ugu xumayd ee ku dhici lahayd iyo khasaare aanay kasoo waaqsan karin oo qasab kaga dhigi karaysa inay ku iibiso xiddigeeda Kylian Mbappe lacag ka hoosaysa intii ay Real Madrid kula soo saxeexatay labada da’yar ee reer Brazil ee Vinicius Junior iyo Rodrygo, amaba kasii jaban qiimihii ay Manchester United kula soo wareegtay Bruno Fernandes.

Sidan waxa kooxda reer France u sheegay Xildhibaan Daniel Cohn-Brendit oo ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub oo kasoo jeeda Faransiiska.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in burburka uu dhaqaalaha dunida ku yeeshay xanuunka Coronavirus ay sabab u noqon doonto in naadiga reer France uu ku iibiyo ciyaartoygiisa waaweyn ee uu lacagta badan kusoo iibsaday qiime ka hooseeya lix jibbaar intii ay kusoo gateen sannado ka hor.

Kylian Mbappe oo ay PSG kaga soo iibsatay 180 milyan oo Euro, ayuu Daniel Cohn-Brendit sheegay in marka ay dhamaato mushkiladda xanuunka Coronavirus uu qiimihiisu noqon doono 35 milyan ama 40 milyan oo Euro, taas oo naxdintii iyo khasaarihii ugu weynayd ku ah kooxdan sannadihii u dambeeyey urursanaysay ciyaartoyga qaaliga ah.

“Marka ay dhamaato mushkiladda Coronavirus, Mbappe qiimihiisu kama badan doono 35 ama 40 milyan oo Euro, halkii uu ka ahaa 200 milyan oo Euro.” Ayuu yidhi Xildhibaan Daniel Cohn-Brendit.

“Yaa awoodi doona inay iibsadaan?” Ayuu is weydiiyey, waxaanu raaciyey: “Dhibaatadani waxay ciyaaraha ka nadiifin doontaa waxyaabihii aan maangalka ahayn. Waxay noqon doontaa sidii weerar Nukliyeer ah, wax walbana waa in dib loosoo dhiso, laakiin heerarka kale.”

Xildhibaanku waxa uu sheegay inay jiri doonaan qawaaniin cusub oo ciyaaraha ah oo ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo, sida farqiga mushaharooyinka ciyaartoyga, xuquuqda sawirka iyo xayaysiimaha.

Hadalkan kasoo yeedhay xildhibaanka ayaa waxa uu farxad u yahay Real Madrid oo inkasta oo dhaqaalaheedu uu u dhaawacmayo si la mid ah kooxaha kale haddana bartilmaameed uu u yahay laacibkani.