Muxuu Pual Merson Ka Yidhi Pierre-Emerick Aubameyang Hadii Uu Ka Tagayo Kooxda Arsenal?

Muxuu Pual Merson Ka Yidhi Pierre-Emerick Aubameyang Hadii Uu Ka Tagayo Kooxda Arsenal?
Muxuu Pual Merson Ka Yidhi Pierre-Emerick Aubameyang Hadii Uu Ka Tagayo Kooxda Arsenal?

Khabiirka Sky Sports ahna halyaygii hore ee kooxda Arsenal ee Pual Merson ayaa hal shuduud oo kaliya ku xidhay in maamulka kooxdiisii hore ee Gunners ay ku fasaxaan Aubameyang haddii uu doonayo in uu Barcelona ku biiro.

Intii lagu jiray suuqii January ee dhawaan soo xidhmay waxaa jiray warar sheegayay in Barcelona ay doonaysay saxiixa Aubameyang si ay ugu buuxiyaan booska uu Luis Suarez ka dhaawacmay.

Laakiin Pual Merson ayaa soo jeediyay in haddii Aubameyang uu awood u yeeshay in gool dhalintiisu ay Arsenal ka caawiso in ay u soo baxaan Champions League in markaas kadib loo ogolaado in uu Barca ku biiri karo.

Image result for Pual Merson and Aubameyang

Aubameyang waxa uu waqti dheer ahaa xidig doonayay in uu ka ciyaaro kooxaha waa wayn ee Spain gaar ahaan Real Madrid oo marar badan doonaysay markii uu Dortmund joogay, balse hadda suurtogalnimada uu Barca ugu soo biiri karo xagaaga ayaa soo kordhaysa.

Pierre-Emerick Aubameyang waxa uu gali doonaa 12ka bilood ee heshiiskiisa Arsenal ugu danbeeya marka uu xili ciyaareedkani soo dhamaado taas oo la filayo in uu ka dhaqaaqi doono Gunners.

Pual Merson oo Arsenal u soo ciyaaray 327 kulan isla markaana u soo dhalyay 78 gool intii u dhexaysay 1985 ilaa 1997 kii ayaa Sky Sports u sheegay in haddii uu Pierre-Emerick Aubameyang dhaliyo 31 ilaa 32 gool in ay tahay in dhamaadka xili ciyaareedkan loo ogolaado in uu baxo.

Laakiin Pual Merson ayaa maamulka kooxdiisii hore ee Arsenal u sheegay in ay Auba u sheegaan in uu kooxdooda ka caawiyo in ay Champions League u soo baxaan isla markaana abaal marin looga dhigi doono in uu si xor ah ku baxo.

Image result for Pual Merson and Aubameyang

Pual Merson ayaa yidhi: “Anigu waan sii hayn lahaa isaga oo aan u sheegi lahaa: ‘Isaga siiya waxa aad sanadka soo socda awoodaan, anaga na gee Champions League si xor ah ayaad ku bixi kartaaye. Waa wax adag in goolasha la iibsado, isagu waa gool dhalye dabiici ah”.

Pual Merson oo ka hadlaya in Gabriel Martinelli kuna xidhiidhinaya Auba ayaa yidhi: “Gabriel Martinelli waxa uu noqon karaa ciyaartoy sare isla markaana isaga waan jeclahay, laakiin haddii aan sii haysto Aubameyang waxaan helayaa 15-20 gool, waana wax uu samaynayo”.

Laakiin inkasta oo ayna maamulka Arsenal aqbali karin in Aubameyang uu kooxdooda si xor ah oo bilaash ah kaga baxo, haddana Pual Merson ayaa aaminsan in haddii ay goolasha xidiga reer Gabon sabab u noqdaan in Gunners ay ku soo baxdo kaalinta afraad in markaas loo ogolaado waxa uu doonayo.