Muxuu Ahaa Warka u Soo Yeedhay Kooxda Man United Ee Ku Saabsan Ciyaartoyda Kooxda Oo Qaar Maqan Yihiin?

Muxuu Ahaa Warka u Soo Yeedhay Kooxda Man United Ee Ku Saabsan Ciyaartoyda Kooxda Oo Qaar Maqan Yihiin?
Muxuu Warka u Soo Yeedhay Kooxda Man United Ee Ku Saabsan Ciyaartoyda Kooxda Oo Qaar Maqan Yihiin?

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayuu usoo yeedhay war aan fiicnayn kaddib markii uu laacib muhiim ah dhaawac ku seegay kulankii xalay ay 3-0 kaga adkaadeen Derby County ee ay ugu soo gudbeen wareegga siddeedda ee FA Cup.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in kulankii xalay ee garoonka Rams at Pride Park uu qorshaynayay inuu kusoo bilaabo difaaciisa Harry Maguire, hase yeeshee xilligii tababarka ay waxyeello kasoo gaadhay kuraanta, sidaasna uu u doortay Victor Lindelof iyo Eric Baily oo iska garab ciyaaray difaaca dhexe, halka baallahana Diogo Dalot iyo Luke Shaw ay ka dheeleen.

Tababaruhu waxa uu sheegay in uu shaki ku jiro in Maguire uu taam u noqon doono ciyaarta Axadda ay kaga hor tegi doonaan Manchester City oo ugu iman doonta Old Trafford, sidoo kalena waxa uu qiray in aanu hubin haddii ay soo kaban doonaan Aaron Wan-Bissaka iyo Daniel James oo jugo haleelay ku maqnaa ciyaartii Derby County.

Tababare Ole oo la hadlayay MUTV, ayaa waxa uu yidhi: “Ka hor tababarkii shalay, waxaan ku idhi Maguire hal kalmad, waxaanan u sheegay in aanan nasin doonin, laakiin tababarka ayay kuraantu ku wareegtay, sidaas ayaanu guriga u joogay. Waxa aan rajaynayaa in uu taam u noqon doono Axadda, laakiin ma hubo.”

Tababaruhu waxa kale oo uu ka hadlay Wan-Bissaka iyo Daniel James, waxaanu yidhi: “Waxa jira ciyaartooyo dhawr ah oo raadinaya fursad ay helaan kulanka DERBY-ga, sababtoo ah ma hubo haddii Harry, Daniel James ama Aaron Wan-Bissaka ay taam u noqon doonaan, jaaniska ay haystaanna wuu yaryahay.”