Home LA LIGA

Muxuu Ahaa Sheekadii Dhex Martay Xidigaha Da Ahaan Waa Weyn Xaga Miisaanka Culus Ee Kooxda Barcelona?

Muxuu Ahaa Sheekadii Dhex Martay Xidigaha Da Ahaan Waa Weyn Xaga Miisaanka Culus Ee Kooxda Barcelona?
Muxuu Ahaa Sheekadii Dhex Martay Xidigaha Da Ahaan Waa Weyn Xaga Miisaanka Culus Ee Kooxda Barcelona?

Kabtanada iyo xiddigaha da’ ahaan waaweyn ee miisaanka culus ku dhex leh Barcelona ayaa la soo warrinayaa hadal ay ku sheekaysteen intii ay tababarka kooxdooda ku jireen gudaha toddobaadkan iyagoo ka hadlay wax ku saabsan koobabka Champions League iyo La Liga.

Inta lagu jiray tababarkaasi, waxa meel ku wada tababaranayay Lionel Messi, Luis Suarez, Gerard Pique, Sergio Busquets, Sergi Roberto, Jordi Alba, Marc Andre Ter Stegen iyo Arturo Vidal oo lagu daray xiddigo da’yar ah.

Mid kamida xiddigaha kooxda oo hadalkii uu ka dhex yidhi tababarka lasoo xigtay ayaa la sheegay inuu xusay inay xilli ciyaareedkan ku guuleysan karaan Champions League iyo La Liga labadaba.

Xiddigaasi aan magaciisa la xusin ayaa sidoo kale ciyaaryahanada kooxdiisa u sheegay inay mudo kooban u baahan yihiin inay qaabkooda ugu wanaagsan u ciyaaraan kaddib waxkasta ay dhinacooda ahaan doonaan.

“Waxaynu ku guuleysan karaynaa labada kooba” ayuu yidhi ciyaaryahankan Barcelona ka qaybta ahi isaga oo tilmaamayay labada koob ee kala ah Champions League iyo La Liga.

“Kaliya waa wakhti gaaban, bil iyo badh gudaheed weeyaan inta ay tahay inaynu joogno halka ugu sarreysa ee ciyaarteena”

Natiijooyinka ay Barcelona xilli ciyaareedkan soo helaysay ayaan ahayn kuwo aad u xun balse ahaa kuwo aan intooda badani fiicnayn oo aan looga baran kooxdooda.

In Liverpool laga reebay Champions League wareegii 16-ka isla markaana ay Man City iyo Real Madrid midkood uun gaadhi karto siddeed dhammaadka Champions League ayaa kor u qaadaysa kalsoonida ay ku qabaan hanashada Champions League.