Mushahar Intee Leeg Ayuu Bruno Fernandes Ka Qaadanayaa Man United.

Mushahar Intee Leeg Ayuu Bruno Fernandes Ka Qaadanayaa Man United.
Bruno Fernandes Marka Uu Soo Gaadho Garoonka Kooxda Manchester United Waa Kee Numberka Uu Xidhan Doono?


Laacibka Sporting Lisbon Bruno Fernandes ayaa kalsooni ku qaba inuu ku biiri doono Manchester United ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bishan january gaar ahaan inta lagu jiro isbuucaan.

Image result for bruno fernandes

Laacibka ayaa kala heshiiyey mushaarka uu qaadan doono kooxda Red Devils, Sida laga soo xigtay wargeeska The Sun, Bruno Fernandes ayaa heli doona 120 kun ginni isbuucii, Manchester United ayaa dooneysa inay ka dhigto bru fernandes saxiixoodii ugu horeeyey ee suuqa bishaan Janaayo waxayna wadahadalo kula jireen Sporting Lisbon mudo dheer laakiin hada siday wararku sheegayaan Bruno Fernandes wuxuu noqon doonaa laacib ka tirsan Red devils.


Warbixintii ugu dambeysay ee ku saabsan u saxiixa Bruno Fernandes ugu biirayo Manchester United oo aanu ka soo xiganay wargeyska reer Portugal ee O Jogo ayaa shaaca ka qaaday in Red Devils ay dalab 59 milyan oo ginni ah ka gudbisay xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal.


Manchester United ayaa hore ka sii bixin doonta aduun lacageed oo gaadhaya £ 47m halka ay 12 milyana gadaal ka bixin doonaan taas oo laacibka qiimihiis rasmiga ah ka dhigi doonta 60 million.