Mulkiilaha Kooxda Arsenal Ee Evangelos Marinakis Ayaa Laga Helay Xanuunka Corona Virus?

Mulkiilaha Kooxda Arsenal Ee Evangelos Marinakis Ayaa Laga Helay Xanuunka Corona Virus?
Mulkiilaha Kooxda Arsenal Ee Evangelos Marinakis Ayaa Laga Helay Xanuunka Corona Virus?

Cabsida cudurka Corona Virus ayaa noqotay walwalka ugu badan ee dadwaynaha caalamka waxayna hadda u muuqataa in kubbada cagtu ay ka mid noqotay dhibanayaasha ugu nugul ee xanuunkan.

Evangelos Marinakis oo ah mulkiilaha kooxaha Nottingham Forest iyo Olympiacas ayaa laga helay xanuunka halista ah ee Coronavirus maalmo kaddib markii uu ka tegay garoonka Emirates ee kooxda Arsenal oo mid ka mid ah kooxihiisu ay kula dheeshay Gunners.

Kulankii Arsenal guul-darrada 2-1 ah loogu xambaarisay garoonka Emirates toddobaad ka hor ee kooxda Olympiacos ay ugu gudubtay wareegga 16-ka Europa League ayaa Evangelos Marinakis uu ku daawanayay garoonka dhexdiisa, laakiin waxa kale oo uu ka qayb-galay ciyaartii Jimcihii ay kooxdiisa kale ee Nottingham Forest garoonkeeda kula ciyaartay Millwall.

Bartiisa Facebook ayuu Evangelos Marinakis o ku sheegay in laga helay xanuunka Coronavirus, waxaana markiiba uu walaac ku abuuray kooxaha Arsenal iyo Millwall oo uu daawashada ka sokow galaangal la sameeyey madaxdooda.

Maalqabeenkan ganacsadaha ah oo u dhashay waddanka Giriigga waxa uu hadda ku sugan yahay meel lagu karantiilay oo loo badinayo inay tahay guri uu isagu leeyahay, waxaana xaaladdiisa gacanta ku haya dhakhaatiir, hase yeeshee warar kale ayaa tibaaxaya in markii uu is ogaaday uu isagu meel isku karantiilay.

Farriinta uu ku qoray boggiisa Facebook ayuu ku yidhi: “Dhowaan waxa isoo booqday fayraska”, waxaanu intaa raaciyey: “Si wanaagsan ayaan dareemayaa, waxaanan qaatay dhamaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, waxaanan u hoggaansamay tilmaamaha dhakhaatiirta. Waxa aan si xoog ah ugu waaninayaa dhamaan saaxiibbadayda muwaadiniinta ah inay sidaas oo kale sameeyaan. Dhamaantood waxaan u rajaynayaa soo kabasho degdeg ah.”

Hadalka ka soo yeedhay 52 jirkan ganacsadaha ah iyo xaaladdiisa caafimaadba waxay argagax gelinayaan kooxaha Arsenal iyo Millwall ee uu madaxdooda galaangalka la sameeyey.