Home League 1

Moussa Dembele Oo Shaaciyey Kooxda uuna Diidayn Dalabkeeda Hadii Ay Soo Codsato?

Moussa Dembele Oo Shaaciyey Kooxda uuna Diidayn Dalabkeeda Hadii Ay Soo Codsato?
Moussa Dembele Oo Shaaciyey Kooxda uuna Diidayn Dalabkeeda Hadii Ay Soo Codsato?

Weeraryahanka kooxda Lyon ee Moussa Dembele oo ay saxeexiisa doonayeen kooxaha Premier League ee Chelsea iyo Man United ayaa lasoo sheegayaa kooxda uusan dalabkeeda diideen haddiiba ay soo codsato.

Sida lagu sheegay wargeyska MEN, Dembela ayaa doorbidaya inuu ku biiro kooxda uu hoggaanka u yahay tababare Ole Gunnar Solskjaer ee Manchester United haddiiba uu u dhaqaaqayo dhinaca Premier League.

Manchester ayaa doonaysa inay dhammaadka xilli ciyaareedkan weeraryahan cusub kusoo darto safka weerar ee kooxdeeda xilli ay hadda wadaan lafo-gurista xogaha ay haystaan.

MEN Sport ayaa fahamsan in weeraryahan Dembele uu yahay ciyaartoy ay kooxdu saxeexiisa qiimaynaysay markii horeba, walow ilo ku dhaw dhaw ciyaaryahanku ay sheegayaan in labada dhinac aanay haatan wax xidhiidh ah samaynin.

Dembele ayaa xilli ciyaareedkan kooxo badani doonayaan saxeexiisa kaddib qaab ciyaareed dahabi ah oo uu kusoo qaatay Lyon isagoo 27 kulan oo uu horyaalka Ligue 1 kasoo ciyaaray kusoo dhaliyay 16 gool.

Si kastaba, kaddib go’aankii shalay soo baxay ee gabi ahaanba lagu kansalay horyaalkaas, Dembele ayaan xilli ciyaareedka dambe ka ciyaari doonin Champions League waana sabab ku qasbi karta inuu mustaqbalkiisa ka fikiro.

Maadaama oo uu kaliya 23 sano jir yahay, Dembele ayaa loo arkaa inuu joogo da’dii ku haboonayd ee uu kaga qayb noqon lahaa Red Devils marka la eego siyaasadooda cusub ee suuqa kala iibsiga, sidoo kale waxa uu kooxdaas u noqon karaa ciyaaryahan England kusoo koray maadaama oo uu Fulham kasoo baxay.