Mourinho: Waxaad Tahay Qashin.

Mourinho: Waxaad Tahay Qashin.
Mourinho: Waxaad Tahay Qashin.

Xidiga reer france iyo kooxda chelsea Kurt Zouma ayaa ka sheekeeyey dhacdo dhex martay isaga iyo macalinkiisii hore ee jose mourinho, Daafaca reer France ayaa la soo shaqeeyay macallinka reer Portugal muddadiisii ​​labaad ee uu macalin u ahaa kooxda Stamford Bridge ee chelsea.

Kurt Zouma ayaa afka furtay wuxuuna sheegay inuu mourinho ugu yeedhay “mid aad u liita oo qashin ah” Mourinho ayaa keenay Zouma markuu 19 jir ahaa garoonka Stamford Bridge xagaagii 2014 markaas oo uu zouma ka yimid kooxda Saint-Etienne laakin waxaa yaab noqotay markuu mourinho ku qanci waayey ciyaartow uu isagu kooxda ka codsaday in loo soo iibiyo isla markaana uu aflagaado iyo cay isugu daray zouma.

KURT ZOUMA ISAGOO WIXII DHEXMARAY ISaGA MOURINHO KA HADLAYA WuXUU YIDHI.

waxaanu la kulanay guuldaro 3:1 ahayd lkn kulankaa kooxdaanu la ciyaaraynay hada ma xasuusan karo

ka dib kulanka ka wuxuu mourinho iigu yeedhay inaanu isku aragno xafiiskiisa

ka dib wuxuu i wadiiyey ma caafimaad qabtaa.

waxan ugu jawaabay haa waan caafimaad qabaa

hadana mar labaad ayuu suaashii ugu celyey, ana waxaan ugu jawaabay waan caafimaad qabaa.

intaas marka na dhex martayayuu ii sheegay inaan ahaa mid qashin ah kulankii aanusoo guul daraysanay.

kurt zouma ayaa sheegay hadalka mourinho uu dhaawac nafsiyana gaadhsiiyey laakiin uu ku dadaalay sidii mourinho u tusi lahaa awoodiisa.

mourinho iyo zouma ayaa iska hor iman doona sabtidan soo socota