Mino Raiola Wuxuu Ka Cadhaysiiyey Kooxda Manchester United Waa Maxay Sababtu?

Mino Raiola Wuxuu Ka Cadhaysiiyey Kooxda Manchester United Waa Maxay Sababtu?
Ma Dhabaa In Kooxda Juventus Ay Qaadayso Jidkii Ay Ku Soo Xero Galin Lahayd Laacibkoodii Hore Ee Pual Pogba?

Wakilka Mino Raiola ayaa ka cadheysiiyay Manchester United isagoo sheegay inuu wadahadal ugu jiro sidii uu Paul Pogba dib ugu celin lahaa Juventus.Advertisements

Madaxda Man United ayaa aad uga carooday wakiilka caanka ah isagoo mar kale sii huriyay wararka la xiriirinaya Pogba inuu ka tagayo kooxda, iyadoo Pogba uu kaliya sideed kulan u dheelay Man United xilli ciyaareedkan, ma uusan dheelin tan iyo maalintii Boxing Day ee bishii December isagoo u baahday in qaliin looga sameeyo canqowga.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ee Pogba ayaa ku dhawaanaya haatan inuu garoomada ku soo laabto iyadoo macquul ay tahay inuu soo laabto ka hor kulanka Manchester Derby ee sideeda bisha Maarso.

Laakiin hadalkii ugu danbeeyay ee Raiola ayaa cadeyn u noqday in 26 jirkaan uu doonayo inuu isaga tago Old Trafford xagaagan.

“Marnaba kama dhumin dhoolacadeyntiisa, laakiin sida iska cad ciyaaryahan weyn uma aado Manchester United inuusan u tartamin Champions League ama koobka horyaalka Premier League” ayuu Raiola u sheegay warbaahinta Talyaaniga.

“Waa igu doqonimo inaan qirin in Paul Pogba uu doonayo inuu ka ciyaaro heerka ugu sareeya ee kubadeed, Laakiin Pogba marka ugu horeysa waxa uu isku dayi doonaa inuu shaqadiisa ugu fiican u qabto kooxda, ka dib waan arki doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka haddii uu sii joogayo iyo haddii kale.

“Waxaan kala hadlay Juventus iyo gudoomiye ku xigeenka Pavel Nedved arimo badan oo arinta Pogba ay qeyb ka tahay iyo ciyaartoy kale, waana waxa lagu yaqaano koox weyn, Si la mid ah Juventus, waxaa jira kooxo kale oo xiiseynaya Paul, laakiin waqti xaadirkaan waxa uu joogaa Manchester United.

“Waxaan sheegi karaa in sida Zlatan Ibrahimovic in Paul uu Italy u arko gurigiisa labaad, waxna uma arko haddii uu ku soo laabanayo Juventus laakiin waxaan ka hadli doonaa ka dib Euro 2020.”

In kastoo Man United ay ka carootay hadalka Raiola hadana waa ay diideen inay soo saaraan warbixin ay ugu jawaabayaan.