Mikel Arteta Waa Maxay Warka uu u Sheegay Taageerayaashiisa Intaanu Xidhmin Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoydu.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxdiisu dhamaystiri doonto saxiixyo ka hor inta uuna xidhmin suuqa Janaury ee bishan.

Arteta ayaa sheegay in ay kooxda Arsenal samayn doonto hal ama laba saxiix ka hor inta aanu xidhmin suuqa January ee bishan oo xidhmi doona jimcaha.

Related image

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa xiddigo badan tan ilaa markii uu furmay suuqa January waxana ka mid ah daafaca kooxda Flamengo ee Pablo Mari iyo xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Thomas Lemar.

Arteta oo la hadlaya wargayska Football London ayaa yidhi”Waxa aan ku jirnaa maalmihii ugu dambeeyay ee suuqa kooxduna waxa ay ka shaaynaysaa saxiixyo”.

Image result for Thomas Lemar

“Waxa aan kooxda ku soo dari doonaa hal ama laba xiddig oo cusub hadii ay noo suurtagasho in aan dhamaystirno”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.