Mikel Arteta Iyo Pep Guardiola Ayaa Ku Tartami Doona Saxiixa Houssem Aouar?

Mikel Arteta Iyo Pep Guardiola Ayaa Ku Tartami Doona Saxiixa Houssem Aouar?
Mikel Arteta Iyo Pep Guardiola Ayaa Ku Tartami Doona Saxiixa Houssem Aouar?

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa la filayaa inuu ku xigeenkiisii hore haatana ah macalinka Arsenal ee Mikel Arteta kula tartami doono saxeexa khadka dhexe ee Lyon ee Houssem Aouar.

Pep Guardiola ayaa lagu og yahay inuu yahay tababare aad ula dhacsan taageere weyna u ah hanaanka ciyaareed ee 22 sano jirka ree France kana mid ahaa xiddigihii Lyon ee wacdaraha dhigay gaadhayna wareega afar dhammaadka ee Champions League.

Laakiin sidoo kale Arteta ayaa ah mid jeclaysanaya qaabka uu u ciyaaro Aouar isagoo u arka khadka dhexe ee hal abuurka kusoo kordhin kara safka kooxdiisa xilli ciyaareedka cusub.

Haatan agaasimaha ciyaaraha Lyon ee Juninho ayaa shaaca ka qaaday in Arsenal ay dalabkii ugu horreeyay kasoo gudbisay Aouar oo xilli ciyaareedkii hore 9 gool iyo 10 caawimo usoo sameeyay kooxdiisa.

Arsenal ayaa Lyon ula tagtay dalab ciyaaryahan iyo lacag la isku daray ah iyagoo kooxda ree France u bandhigay inay la wareegaan khadka dhexe ee Matteo Guendouzi.

Agaasime Juninho oo ka hadlay dalabka Arsenal ay ula timid ayaa sheegay inuusan jirin wax xiiso ah oo ay u qabaan inay Guendouzi ku daraan heshiiska uu kaga baxayo Aouar.

Lyon ayaa doonaysa kaliya inay 60 Milyan oo euro oo kaash ah ku hesho iibka Houssem waana sababta caqabada ku noqonaysa Arsenal walow ay maamulka Gunners hadda diyaarinayaan dalab kale oo midkii hore ka wanaagsan.

Ugu dambayn, waxa la fahamsan yahay in Aouar uu doonayo inuu ka ciyaaro Premier League balse kooxda ugu horreyn qancisa Lyon ayaa noqon doonta mida gacanta ku dhigta.