Mike Dean Oo Noqon Doona Ninka Laylin Doona Kulanka Axada Ee Manchester Derby?

Mike Dean Oo Noqon Doona Ninka Laylin Doona Kulanka Axada Ee Manchester Derby?
Mike Dean Oo Noqon Doona Ninka Laylin Doona Kulanka Axada Ee Manchester Derby?

Maamulka horyaalka Premier League ayaa shaaciyey garsooraha dhexdhexaadin doona kulanka aadka loo sugayo ee Manchester derby ee Axadda soo aaddan Old Trafford ku dhex mari doona labada naadi ee isku magaalada ah ee Manchester United iyo Manchester City.

Man United ayaa horraantii xili ciyaareedkan kulan ay ugu tagtay Etihad kooxda City kusoo karbaashtay 2-0, waxaana guushaasi ay siisay niyad wanaagsan oo ay shidaal iyo hal-qabsi uga sii dhigteen kulamo xigay oo waaweynaa, hase yeeshee City ayaa khasaarahaasi uu kasii xumeeyey rajadii ay ka qabeen inay eryadaan Liverpool oo bilowgii xili ciyaareedkaba hoggaanka laga dejin kari waayey.

Man City oo Axaddii ku guuleysatay koobka Carabao Cup, ayaa waxay u safri doontaa Old Trafford, waxaanu hammigooda ugu weyn yahay inay kasoo aargoosato Ole Gunnar Solskjaer iyo wiilashiisa oo isbeddel wanaagsan oo ay sare ugu soo kaceen sameeyey intii uu kusoo biiray Bruno Fernandes.

Kulankan xamaasadda badan, maamulka horyaalka Premier League ayaa u magacaabay inuu garsoore ka noqdo xaakimka casaanka badan ee Mike Dean oo hore usoo qabtay ciyaaro dhawr ah oo ay labadan kooxood iskaga hor yimaaddeen.

Dean waxa uu soo dhexdhexaadiyey lix ciyaarood oo Manchester derby ah oo ay Manchester United iyo Manchester City isku haleeleen, waxaana uu kuladaas kooban bixiyey 25 kaadh oo digniin ah, halka uu casaan u taagay halyeygii Paul Scholes semi-finalkii FA Cup ee sannadkii 2011.

Diiwaanka Mike Dean ee kulamada Manchester derby, waxa ku jira hal rikoodhe oo uu dhigay, hase yeeshee Manchester City ayaa xasuuso xun u haysa maadaama ay tahay kooxda ugu guul-darrada badan marka uu isagu garsooraha yahay.

Afar ciyaarood oo ay Manchester United la dheeshay kooxo kale ayuu xili ciyaareedkan ka garnaqay, waxaana uu kaadh digniin ah siiyey 11 ciyaartoy oo United ka tirsan afartaas kulan, hase yeeshee waa khabiir muddo badan soo dhex taagnaa garoomada oo aan go’aamadiisa ka labalabaynin.

Guud ahaan 73 ciyaarood oo ay Manchester City dheeshay ayuu garsoore ka noqday, halka Manchester United uu 71 kulan usoo garnaqay kooxo ay la ciyaraaysay, waxaana labada kooxoodba ay haystaan guulo isku mid ah ciyaaraha uu isagu soo hayey kuwaas oo ah min 38 guulood.

Kulanka Axadda, waxa Mike Dean caawin doona Drren Cann iyo Dan Robathan oo calanwadeyaal ahaan doona iyo Anthony Taylor oo garsooraha afraad ah, halka VAR uu garsoore koowaad ka noqonayo Andre Marriner iyo kaaliyihiisa oo loo doortay Stephen Child.