Midka Wanaagsan Paul Scholes Iyo Zinedine Zidane Waakan David Beckham Oo Ka Hadlay?

Midka Wanaagsan Paul Scholes Iyo Zinedine Zidane Waakan David Beckham Oo Ka Hadlay?
Midka Wanaagsan Paul Scholes Iyo Zinedine Zidane Waakan David Beckham Oo Ka Hadlay?

David Beckham ayaa la hor dhigay su’aasha muddada dheer taagnayd ee ku saabsan xiddigihii ugu wanaagsanaa khadka dhexe 20kii sannadood ee ugu dambeeyey, kuwaas oo dooddoodu hore ugu dhaxaysay saddexda laacib ee reer England ee Frank Lampard, Paul Scholes iyo Steven Gerrard.

Halyeygii xulka qaranka England ee David Beckham oo nasiib u yeeshay inuu ka garab ciyaaro inta badan xiddigihii waaweynaa ee dunida haystay bilowga 2000s ayaa noqday qofkii ugu dambeeyey ee la weydiiyo su’aasha laacibiintii khadka dhexe ee ugu wanaagsanaa.

David Beckham oo hadda ah mulkiilaha kooxda Inter Miami ee ka dhisan waddanka Maraykanka ayaa ka mid ahaa jiilkii dahabiga ahaa ee Manchester United usoo kacay sannadkii 1993-kii, waxaanu Old Trafford joogay muddo toban sannadood ah ka hor intii aanu u wareegin Real Madrid sannadkii 2003, taas oo ku timid khilaaf soo kala dhex-galay tababare Sir Alex Ferguson.

Waxa uu garoonka Santiago Bernabeu ugu tegay Zinedine Zidane, Luis Figo, Ronaldo Nazario, Raul Gonzalez, Roberto Carlos iyo xiddigo kale oo waaweyn, iyagoo halkaas ka abuuray kooxdii lagu naanaysi jiray ‘Glacticos’.

Warbaahinta Squawka ayaa xidhiidh weydiisay David Bekham midka wanaagsanaa Zinedine Zidane iyo Paul Scholes, waxaanu ku jawaabay: “Dhab ahaantii way adag tahay inaan kala saaro labadooda, sababtoo ah, waxay labaduba lahaayeen dhaqan wanaagsan, laakiin marka aad isku heshaan garoonka, hibadoodu waxay ahayd mid aan la rumaysan karin.

“Nasiib ayaan u yeeshay inaanu isku soo ag-kornay Scholesy, kaddibna nasiib igu filan ayaan u yeeshay inaan tago Real Madrid oo aan awoodo inaan saddex sannadood kala ciyaaro ciyaartoygii ugu wanaagsanaa abid oo ahaa Zidane.”

David Beckham waxa uu hadalkiisa ku sarraysiiyey Zidane oo uu ku tilmaamay kan ugu wanaagsan marka la barbar dhigo Scholes.

Laakiin Zidane ayaa isagana hore loo weydiiyey waxa uu ka aaminsan yahay Paul Scholes, waxaanu yidhi: “Waa wax dabiici ah inaynu doono inaynu soo xulano ciyaartoyda ugu wanaagsan, anigana shaki igagama jiro in Paul Scholes uu mid heer gaadhsiisnaa. Waxyaabaha aan qoomameeyo waxa ka mid ah in aanay waligay isoo marin fursad aan kaga garab ciyaaro isaga.”