“Messi Wuxuu Xaq u Leeyahay Inuu Ka Xanaaqo Eric Abidal Hogaamiye Ahaan Wuxuu Kaliya Isku Dayey Inuu Difaaco Ciyaartoydiisa Iyo Naftiisa”.

“Messi Wuxuu Xaq u Leeyahay Inuu Ka Xanaaqo Eric Abidal Hogaamiye Ahaan Wuxuu Kaliya Isku Dayey Inuu Difaaco Ciyaartoydiisa Iyo Naftiisa”.
"Messi Wuxuu Xaq u Leeyahay Inuu Ka Xanaaqo Eric Abidal Hogaamiye Ahaan Wuxuu Kaliya Isku Dayey Inuu Difaaco Ciyaartoydiisa Iyo Naftiisa".

Guuldarradii ka soo gaadhay Kooxda Athletic Bilbao iyo inay ka hadhaan tartanka Copa del Rey ayaa dhabar jab kale ku aheyd Todobaadkii xumaa ee Barcelona ee isugu jiray dhaawacii soo gaadhay Ousmane Dembélé iyo isku dhacii Lionel Messi iyo Eric Abidal.

Laacibkii hore kooxda kubadda cagta Barcelona iyo xulka qaranka Brazil ee Rivaldo ayaa sheegay in Lionel Messi uu xaq u leeyahay inuu ka xanaaqo agaasimaha ciyaaraha kooxda Barca Eric Abidal.

Rivaldo oo ka hadlay buuqii ka dhex dhacay kabtanka Barcelona ee Lionel Messi iyo agaasimaha ciyaaraha kooxda Barcelona Eric Abidal ayaa wuxuu yidhi.

“Messi wuxuu xaq u leeyahay inuu ka xanaaqo Eric Abidal, hogaamiye ahaan, wuxuu kaliya isku dayay inuu difaaco ciyaartoydiisa iyo naftiisa”.


“Sidoo kale wuxuu doonayay inuu ogaado ciyaartoydii uu tilmaamay Eric Abidal, laakiin dhibaatooyinkaas waxay ku haboon yihiin inay noqdaan kowo gudaha lagu xaliyo”.


“Waxay ahayd wax aan caqli gal aheyn in Eric Abidal uu ku sheego wax sidan oo kale ah wareysi uu bixiyay, taasoo saameyn weyn ku yeelatay xaga warbaahinta, waxayna ku qasabtay Lionel Messi inuu ka jawaabo”.


“Wixii dhacay waxay saameyn ku yeesheen isku diyaarinta kulankii Athletic Bilbao ee Copa del Rey, haatan way cadahay in Ernesto Valverde uusan aheyn dhibaatada ugu weyn ee kooxda”