Mbappe ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee Real Madrid laakiin wuxuu qirtay jaceylka uu u qabo Liverpool

Mbappe ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee Real Madrid laakiin wuxuu qirtay jaceylka uu u qabo  Liverpool
Mbappe ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee Real Madrid laakiin wuxuu qirtay jaceylka uu u qabo Liverpool

Xiddiga Paris Saint-Germain ayaa doonayay inuu mar kale ku celiyo sida ay uga go’an tahay kooxdiisa haatan, iyadoo wadahadaladii suuqa ay mar kale wareegeen

Kylian Mbappe ayaa ku celiyay sida ay uga go’antahay inuu ka dhaqaaqo Paris Saint-Germain iyadoo ay soo cusbooneysiisay xiriirkii uu la lahaa Real Madrid, halka weeraryahanka reer France uu ku tilmaamay Liverpool “mashiin”

Mbappe ayaa noqday mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka tan iyo markii uu kaga soo biiray PSG kooxda Monaco sanadkii 2017, isagoo dhaliyay 81 gool tartamada oo dhan labadii sano iyo bar ee uu ilaa haatan kooxda joogay.

Kahor inta uusan u saxiixin PSG, Mbappe waxaa si aad ah loola xiriirinayay kooxda ka dhisan La Liga ee Madrid, waxaana la isla dhexmarayaa inuu u dhaqaaqayo Santiago Bernabeu ma Aan dhicin In tago Real madrid.

“Qof walba ayaa kahadlaya arintaan – markii aan yaraa sidoo kale waan kahadlay arintaan. Laakiin hada waxaan ahay ciyaariyahan waana ogahay inaysan aheyn waqtigan,” Mbappe  ayuu u sheegay BBC Sport.

“Haatan waxaan la joogaa PSG, waxaana boqolkiiba boqol la joogaa kooxda. Waxaan doonayaa inaan ka caawiyo kooxda inay koraan xilli ciyaareedkaan, oo aan kula guuleysto koobab badan, marka aniga ahaan ilama fiicna inaan ka

hadlo mustaqbalkeyga.

“Waxa ay Liverpool sameynayaan xilligan waa mid cajiib ah,” ayuu Mbappe ka yiri kooxda difaacaneysa horyaalnimada Yurub. Waxay u eg yihiin mashiin,

“Waxaa laga badiyay kulamadii eber. Markaad daawato waxaad u maleysaa wax walba inay fududahay laakiin taasi ma fududaan.

“Haatan dhibaatadu waxay tahay in qof walba uu daawado Liverpool, qof walbana uu daawado waxa aan ka qaban karno iyaga, marka haatan waa inay muujiyaan inay mar kale xoogan yihiin laakiin waa koox aad ufiican oo leh tababare aad u wanaagsan.”