Home LA LIGA

Maxay Ahayd Taladii Uu Rivaldo Siiyey Kooxdiisii Hore Ee Barcelona?

Maxay Ahayd Taladii Uu Rivaldo Siiyey Kooxdiisii Hore Ee Barcelona?
Maxay Ahayd Taladii Uu Rivaldo Siiyey Kooxdiisii Hore Ee Barcelona?

Halyeeygii xulka qaranka Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa talooyin dhinaca suuqa ah siiyay kooxdiisii hore xilli uu ka hadlay arrimaha weeraryahan Antoine Greizmann iyo waliba wararka la xidhiidhinaya kabtanka Arsenal ee Pierre Emerick Aubameyang.

Greizmann ayaa kamida xiddigaha Barcelona ee lagu wado inay kooxdu dhagaysan doonto dalabaadka laga soo gudbiyo walow ay lasoo wareegtan uun badhtamihii sanadkii 2019 kaddib mudo dheer oo ay raadinaysay.

Saxaafada ayaa sheegaysay in Greizmann loo adeegsan karo heshiis weyn oo ay Barcelona samayso suuqa xagaaga iyadoo la hadal hayo inay Inter Milan kaga bedelan karaan Lautaro Martinez amaba ay PSG kaga heli karaan Neymar JR.

Ugu horreynba Rivaldo ayaa sheegay inay tahay in Barcelona ay haysato Greizmann oo uu aaminsan yahay inuusan wali awoodiisii ku muujinin kooxdaas.

“Waxa jira warar xan ah oo kordhaya oo ku saabsan suurogalnimada heshiis uu ku baxo Greizmann oo uu ku tagayo Internaztionale si loogu bedesho Lautaro Martinez ama xataa heshiis ninka ree France uu ku tagi karo PSG oo uu Neymar dhinaca kale yimaado”

“Laakiin waxaan aaminsanahay in boodhka Barcelona uu wakhti badan siindoono Greizmann si uu wacdarro ugu dhigo kooxda, Barcelona kaliya waxay u baahantahay inay noqoto mid samir badan kahor inta uusan helin kalsooni badan oo uusan bilaabin inuu ku ciyaaro shaqsiyad badan”

Dhinaca kale Rivaldo ayaa si dadban kooxdiisii u sheegay inay ka fogaadaan Aubameyang oo ay hubiyaan in ciyaartoygu qaabka kooxdooda anfacayo kahor intaysan la wareegin.

“Barcelona markasta waxay eegtaa ciyaartoyda ugu wacan ee laga heli karo suuqa, Aubameyang-na sida iska cad waa ciyaartoy cajiib ah kaas oo kor u qaadis u noqon kara kooxda”

“Laakiin halkii aad si sahlan kagala saxeexan lahayd ciyaartoy, Barcelona waa inay daristo in ciyaartoy cayimani uu ku haboonaan karo qaabkooda haatan ama haddii uu heshiisku ku dambayn karo inuu ciyaartoyga ku qasbo inuu ka ciyaaro door kale, isagoo dhaawacaya qaab ciyaareedkiisa ama sidoo kale kooxda dhibaatooyin ku abuuraya”