Maxay Ahayd Sababtii Jose Mourinho Uu Uga Tagay Kulankii Kooxaha Bayern Munich Iyo RB Leipzig Ee Garoonka Allianz Arena?

Maxay Ahayd Sababtii Jose Mourinho Uu Uga Tagay Kulankii Kooxaha Bayern Munich Iyo RB Leipzig Ee Garoonka Allianz Arena?
Maxay Ahayd Sababtii Jose Mourinho Uu Uga Tagay Kulankii Kooxaha Bayern Munich Iyo RB Leipzig Ee Garoonka Allianz Arena?

Tababaraha kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa ayaa ka soo muuqday kulanka adag ee Bayern Munich iyo RB Leipzig ee Allianz Arena waxaana lays waydiiyay su’aalo badan sababtii uu Mourinho ugu tagay kulankan.

Markii Jose Mourinho lagu arkay garoonka kooxda Bayern Munich ee Allianz Arena waxaa dad badan ku soo dhacay in uu kooxaha Bayern iyo RB Leipzig ciyaartoy ka doonayo balse waxaa jira sabab kale oo muhiim ah oo aan ciyaartoy uu doonayo ahayn.

Inkasta oo aan meesha laga saari karin in Jose Mourinho uu daawanayay ciyaartoy uu doonayo in uu suuqa xagaaga bartilmaameedsado, haddana waxaa loo badiyay in uu soo daawanayay ciyaartoyda kooxda ay Champions league isku wajihi doonaan ee RB Leipzig.

Tottenham ayaa February 19 waxay garoonkeeda ku soo dhawayn doontaa kooxda RB Leipzig kulanka lugta kowaad ee wareega 16ka kooxood ee Champions League, waana kulanka uu Mourinho doonayo in uu kooxdan sii qiimaysto.

View image on Twitter

Jose Mourinho ayaa doonayay in uu sii arko qaab ciyaareedka xidigaha kooxda RB Leipzig oo uu ka mid yahay Timo Werner.

Jose Mourinho ayaa cadho ka muujiyay waqtiga lagu soo beegay fasaxa jiilaalka Premier League isaga oo ku dooday in marka ay axada la ciyaaraan Aston Villa in ay laba maalmood kadib la ciyaari doonaan kooxda RB Leipzig taasi oo uu ku tilmaamay mid aan fiicnayn.

Laakiin kulankii Bayern Munich iyo RB Leipzig ayaa ku soo dhamaaday barbaro gool la’aan ah iyada oo labada kooxood ay hal dhibic oo kaliya is dheer yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Jose Mourinho ayaa ka mid noqday kumanyaasha ka soo xaadiray kulanka Allianz Arena ee dhex marayay kooxaha horyaalka Jarmalka isku haysta ee Bayern Munich iyo RB Leipzig.