Maxay Ahayd Sababtii Kooxda Liverpool Ay Xagaagii 2017 Albaabada Uga Xidhatay Philippe Coutinho Waxaa Ka Waramaya Macalin Klopp?

Maxay Ahayd Sababtii Kooxda Liverpool Ay Xagaagii 2017 Albaabada Uga Xidhatay Philippe Coutinho Waxaa Ka Waramaya Macalin Klopp?
Maxay Ahayd Sababatii Kooxda Liverpool Ay Xagaagii 2017 Albaabada Uga Xidhatay Philippe Coutinho Waxaa Ka Waramaya Macalin Klopp?

Tababare Jurgen Klopp ayaa sharraxaad ka bixiyey sababtii ay kooxdiisa Liverpool albaabada uga xidhay Philippe Coutinho xagaagii 2017 oo uu doonayey inuu ku biiro Barcelona oo iyaduna diyaar u ahayd, markii dambena ay ugu ogolaadeen bishii January 2018.

Barcelona ayaa isku dayday inay Coutinho 100 milyan oo Gini ku qaadato ka hor intii aanu bilaabmin xili ciyaareedkii 2018/2019, waxaase iska diidday Liverpool oo lix bilood kaddibna 142 milyan oo Gini kaga iibisay, waxaana sababta sharraxay tababare Klopp oo iska lahaa go’aanka uu ku joojiyey xiddiga reer Brazil xilligaas.

“Dhab ahaantii waan ku ixtiraamay Phil bixitaankiisa markii labaad. Sababtoo ah kooxda ayay ku adkayd (inay joojiso). Sidaa darteed, may ahayn inaanu la saxeexanay heshiis cusub toddobaadyo ka hor, laakiin dhan ahaantii way caddayd in aanu i weydiisan lahayn koox kale, laakiin kooxdan darteed, fursad kale may jirin.” Ayuu yidhi Klopp.

“Kaddib waxay noqotay in xagaagii aanu adkaano maadaama aanaan xal kale haysanin. Waxa dhaawac nagaga maqnaa Adam Lallana xilligaas, waxa kale oo aanu weynay laba ciyaartoy oo kale, sidaas ayaanay suurtogal ku ahayn, laakiin taas kuma xallin kartid suuqa iibka.” Ayuu raaciyey isaga oo sharraxaya sababtii ay ugu diideen bixitaanka xilligii hore ka hor intii aanay maskaxdooda beddelin.

“Coutinho wuu aqbalay joogitaankaas, markaa adiguna waa inaad caddaalad samayso oo aad tidhaahdo, waanu samayn karnaa sidaa. Maanaan jeclayn laakiin waanu samayn karnay” Ayuu raaciyey isaga oo faahfaahinaya in go’aankoodii dambe uu ahaa caddaalad ay u sameeyeen Coutinho oo isaguba marka hore ogolaaday inuu u yeelo arrintooda oo uu lix bilood sii joogo Anfield.