Maxay Ahayd Fariintii Maayarka Magaalada London Sadiq Khan u Diray Qaar Ka Mida Kooxaha Ka Dhisan Magaalada London Ee Horyaalka PL?

Maxay Ahayd Fariintii Maayarka Magaalada London Sadiq Khan u Diray Qaar Ka Mida Kooxaha Ka Dhisan Magaalada London Ee Horyaalka PL?
Maxay Ahayd Fariintii Maayarka Magaalada London Sadiq Khan u Diray Qaar Ka Mida Kooxaha Ka Dhisan Magaalada London Ee Horyaalka PL?

Duqa magaalada London, Sadiq Khan ayaa ugu baaqay kooxaha ka dhisan caasimadda waddanka Ingiriska inay si mug leh uga qayb-qaataan dagaalka lagula jiro caabuqa Coronavirus, isla markaana ay ku yaboohaan shaqaalahooda iyo adeegyadooda ay heli karayaan.

Mr Khan waxa uu qoraal u diray dhamaan kooxaha heerka koowaad ee Premier League iyo heerka labaad ee Championship ee saldhiggoodu yahay magaalada London, waxaanu ka dalbaday inay gargaar u fidiyaan waaxda caafimaadka, xilligan adagna loo baahan yahay inay bulshadooda ku garab istaagaan wax kasta oo looga baahdo.

“Kooxuhu way na caawinayaan laakiin waxaan rumaysanahay in naadiyada ka dhisan London ay wali nasii caawin karayaan Waa inaynu wax ku deeqno mana jirto kaalmo yari” Ayuu yidhi Khan.

Duqa Magaalada London waxa uu usoo jeediyey kooxaha, taageereyaashooda iyo shacabkuba inay si dhow uwada shaqeeyaan si caabuqa Coronavirus looga adkaan karo, waxaanu yidhi “Marka aan ka wada-shaqayno la-tacaalidda khatarta Coronavirus, waxa soo baxaysa niyadda wanaagsan ee  bulshada naadiyada kubadda cagta London In badan ayaa mar horeba taageero ku yaboohday, kana jawaabaya kaalmaynta bulshadooda.”

London mayor Sadiq Khan calls for second Brexit vote - BBC News

Ciyaartoyda Premier League iyo halyeeyadii hore uga fadhiistay kubadda ayaa beryahanba wacyigelin iyo dhaqaale ururin samaynayay, waxaanay lacagtaas ku wareejinayeen waaxda caafimaadka ee NHS si qayb ay uga noqoto gurmadka iyo dagaalka lagula jiro Coronavirus.

Kooxaha ka dhisan London mar horeba qaarkood ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn oo ay ku garab istaagayaan kooxaha caafimaadka sida Chelsea oo hotel-keeda Stamford Bridge ku ag-yaalla ku wareejisay NHS, si ay ugu adeegsan karaan hawlahooda muddada uu jiro xanuunkan.

Halyeeyada Manchester United ee Gary Neville iyo Ryan Giggs ayaa sida Chelsea oo kale sameeyey waxaanay ku wareejiyeen NHS hotel-kooda ku yaalla magaalada Manchester.

Magaalada London ayaa ka mid noqotay meelaha uu dhibaatada badan ka geystay xanuunka Coronavirus, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey inay halkaas ku dhinteen in ka badan 593 qof halka ay dad ka badan toddoba kun u jiifaan.