Maxay Ahayd Codsigii Macalinka Kooxda Manchester United u Diray Taageerayaasha Kooxdan.

Maxay Ahayd Codsigii Macalinka Kooxda Manchester United u Diray Taageerayaasha Kooxdan.
Wararkii Ugu Danbeeyey Badalka Ole Gunnar Solskjaer Macalinka Kooxda Man United Iyo Badalkiisa Oo La Sii Hadal Hayo.

Macalinka Kooxda Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer ayaa taageereyaasha kooxda u diray codsi markii ay guusha weyn ee 6-0 ah kasoo hooyeen Tranmere Rovers, waxaanu u soo jeediyey in isku-duubni lala yimaaddo.

United oo laga soo badiyey laba ciyaarood oo isku xigta ayaa kusoo doogtay guul weyn oo ay ka gaadhay kooxda heerka saddexaad ee Tranmere waxaanay u gudubtay wareegga shanaad ee tartanka FA Cup, hase yeeshee taageereyaasha ayaa ku qaylinayey ereyo lid ku ah tababare Ole Gunnar Solskjaer iyo Guddoomiye ku-xigeenka Ed Woodward.

Jamaahiirta ayaa hore u ballanqaaday inay kulanka Wolves ee soo socda samayn doonaan mudaharaad ah inay iskaga dareeraan garoonka Old Trafford daqiiqadda 58aad, markaas oo kooxdoodu ay ciyaari doonto iyadoo garoonku madhan yahay taas oo ay uga gol leeyihiin inay ku qasbaan tababaraha iyo Guddoomiye ku-xigeenka inay is casilaan.

Tababare Solskjaer ayaa guushii shalay kaddib isku dayey inuu maslaxo taageereyaasha, waxaanu ka dalbaday in la isku duubnaado si niyad wanaagsan ay ciyaartoygu u helaan.

“Waxaynu u baahanahay isku-duubni iyo midnimo” ayuu yidhi Solskjaer.

Inkasta oo kooxdiisu ay guul weyn gaadhay, haddana jamaahiirta ayaa garoonka dhexdiisa kusoo bandhigay boodhadh lid ku ah Solskjaer, laakiin waxa jirtay arrin kale oo taageereyaashu aanay ku farxin oo ahayd sidii ay ciyaartoygoodu ugu dabbaal-degeen goolashii badnaa ee ay dhalinayeen.

Taageereyaasha ayaa ku dooday in ciyaartoyga kooxdoodu ay ku faraxsan yihiin goolal badan oo ay ka dhaliyaan koox yar oo heerka saddexaad ah, halka ay ku fashilan yihiin kulamada horyaalka Premier League.